Kooxda argagaxisada ah oo jab xooggan kala kulmay ciidamada xoogga dalka.

Date:

Ciidamada xoogga dalka ayaa iska caabiyay weerar dhuumasho ah oo ay kusoo qaadeen kooxda argagaxisada ah ee Al shabaab deegaanka Ceel-saliini duuleedka degmada Awdheegle ee gobolka shabeellada hoose.

Malleeshiyada Al shabaab ayaa halkaasi kala kulmay halaag khasaaro dhimasho iyo dhaawacyo ah gaarsiiyay, saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugneyd saldhigaasi  ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka gaarsiiyeen khasaaro baaxad leh malleeshiyada argagaxisada ee Al shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa xogta weerarkaasi hayay isla markaana u diyaarsanaa isku dayga argagaxisada in ay ka hortaggaan ayaa dharbaaxo millatari ku ciqaabay argagaxisada.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanaayo aragagaxisada Al shabaab ka wada gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada dhexe, Hiiraan iyo jubbooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...