Kooxda argagaxisada ah oo jab xooggan kala kulmay ciidamada xoogga dalka.

Date:

Ciidamada xoogga dalka ayaa iska caabiyay weerar dhuumasho ah oo ay kusoo qaadeen kooxda argagaxisada ah ee Al shabaab deegaanka Ceel-saliini duuleedka degmada Awdheegle ee gobolka shabeellada hoose.

Malleeshiyada Al shabaab ayaa halkaasi kala kulmay halaag khasaaro dhimasho iyo dhaawacyo ah gaarsiiyay, saraakiisha ciidamada xoogga ee ku sugneyd saldhigaasi  ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ciidamada xoogga dalka gaarsiiyeen khasaaro baaxad leh malleeshiyada argagaxisada ee Al shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa xogta weerarkaasi hayay isla markaana u diyaarsanaa isku dayga argagaxisada in ay ka hortaggaan ayaa dharbaaxo millatari ku ciqaabay argagaxisada.

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo lagu baacsanaayo aragagaxisada Al shabaab ka wada gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada dhexe, Hiiraan iyo jubbooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo diray qalabkii doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho...

Guddiga Doorashooyinka oo soo saaray liiska goobaha codbixinta doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu...

Kulan looga hadlayay horumarinta nidaamka Gaadiidka, Badqabka Waddooyinka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa soo qaban...