Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir muhiim ah Baydhabo ka furay.

Date:

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay shirweynaha qaran ee xeer-ilaaliyaasha dowlad goboleedyada, iyadoo uu ka qayb galayo shirkaasi xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Shirkan oo ah kii labaad ee xeer ilaaliyaashu yeeshaan ayaa diiradda lagu saari doonaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin wada shaqeynta xeer ilaalinta heer Qaran iyo dowlad-goboleed, dhowrista madax banaannida xeer ilaalinta iyo in la dhiso ururka xeer ilaaliyayaasha.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka mudane Baashe Yuusuf Axmed oo furay shirka ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda xeer ilaalinta u leedahay sharciyada dalka, waxaana uu bogaadiyay shirkan maanta furmay iyo muhiimadda uu leeyahay isagoo kula dardaarmay dhinacyada inay si wanaagsan uga doodaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...