Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shir muhiim ah Baydhabo ka furay.

Date:

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay shirweynaha qaran ee xeer-ilaaliyaasha dowlad goboleedyada, iyadoo uu ka qayb galayo shirkaasi xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir.

Shirkan oo ah kii labaad ee xeer ilaaliyaashu yeeshaan ayaa diiradda lagu saari doonaa dhowr qodob oo ay ka mid yihiin wada shaqeynta xeer ilaalinta heer Qaran iyo dowlad-goboleed, dhowrista madax banaannida xeer ilaalinta iyo in la dhiso ururka xeer ilaaliyayaasha.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka mudane Baashe Yuusuf Axmed oo furay shirka ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda xeer ilaalinta u leedahay sharciyada dalka, waxaana uu bogaadiyay shirkan maanta furmay iyo muhiimadda uu leeyahay isagoo kula dardaarmay dhinacyada inay si wanaagsan uga doodaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...