Home Blog Page 1001

Wasaaradda Awqaafta iyo Arriimaha Diinta oo shir looga hadlayo furtay kaalinta dagaallanka Musuqa

0

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa Maanta qabatay kulan lagu taageerayo saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya ee ku saabsan dhisidda guddiga la dagaallanka musuq-maasuqa oo ay meel mariyeen Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo uu furay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta , Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Agaasimaha, Wasaaradda Awqaafta, Cumar Faaruuq, Agaasimaha waaxda wacyi gelinta, Sheekh Cali Dheere, Agaasimaha  Wakaaladda SONNA, Cabdullaahi C/raxmaan Heybe,Agaasimaha xiriirka Saxaafadda ee W/warfaafinta, C/qaaadir Maxamed Cadde , shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta iyo culimaa’udiin..

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuubow ayaa xusay in shirkan uu muhiim yahay, ka qeyb galayaashana ay diiradda ku saarayaan Diinta Islaamka waxa ay ka qabto musuqa, wuxuuna sheegay in uu hubo in laga gudbay waqtiyadii musuqa la adeegsanayay,

Wasiirka ayaa bogaadiyay tallaabadii uu Madaxweynaha Qaranka u qaaday dhanka la dagaallanka musuqa, taas oo uu sheegay in ay Dalka u horseedi karto guul la taaban karo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya Cumar Faaruuq, ayaa sheegay in ay Wasaaraddu dedaal weyn ugu jirto sidii looga hor tagi lahaa musuqmaasuqa sida ay Diinta Islaamka qabto.

Agaasimaha wacyi gelinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga taxadiro hantida ummadda oo aan si khaldan loo isticmaalin , isagoo  mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Dowladda faray in loogu adeego Ummadda si caddaalad ah,

Hay’ada duulista hawada Soomaaliya oo beenisay in la joojiyay duulimaadyada aada Magaalada Kismaayo

0

Maareeyaha hay’adda duulista Hawada Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan, ayaa sheegay in aysan jirin xannibaad ay Dowladdu saartay duullimaadyada taga Magaalada Kismaayo.

Axmed Macallin Xasan, Maareeyaha hay’adda duulista Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay imminka ku shaqeeyaan nidaam caalami ah oo la jaan qaadaya habka Civil Aviation Dunida, taas oo ah in aysan Hawadeenna marin Diyaarad aan laga war qabin.

dhanka kale warbaahinta ayaa sii an sax ahayn u baahisay warka sheegaya duullimadayada tagay magaaladda Kismaayo in xayiraad lagu soo rogay, dowladda ayaa u sheegtay  shirkadaha Diyaaradaha in ay ku soo  war geliyeen  duullimaadyadooda ay ku tagyaan magaaladda Kismaayo 24 Saac ka hor sii looga war hayo duullimaadyadda adaya guud ahaan gobolladda dalka.

maareeyaha ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan duullimaadayda dalka una waafaqsan yahay nidaamyada  caalamig ah ee duullimaadayada adduunka laguna dardar galinyo hor usocdka hawlah shaqo ee horyaal Hay’adda duullista hawada ee Soomaaliya .

 

Soomaaliya oo ka qeybgaleysa shirweyne looga hadlayo Horumarinta Adeegga Boostada Adduunka

Geneva – Sebtembar -25-2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha aan caadiga ahayn ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo looga hadlayo qodobo la xiriira Horumarinta boostada adduunka sida qaabka ay lacagaha u kala qaataan boostada Adduunka, gaar ahaan alaabaha waaweyn ee ganacsiga ah.

Wasiirka oo ka hadlayay ahmiyadda kulankan u leeyahay dalkeena ayaa sheegay in shirweynahani yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee Soomaaliya ka soo qeyb gasho tan iyo markii si buuxda ay ula soo noqotay xubinnimadeeda bishii Abriil ee sanadkan, taas oo maqneyd tan iyo burburkii dalka ka dhacay. Waxayna ku soo aadeysaa xilli uu gebogebo marayo qorshaha lagu billaabayo dirista boostada oo la filayo dhammaadka sanadkan.

Wasiirka oo sidoo kale ka hadlayay ujeeddada safarkiisa ayaa sheegay in ka sokow shirweynaha ay shirar doceedyo la yeelan doonaan UPU iyo dalal saaxiib la ah dalkeena, oo lagala hadlayo qorshaha dhismaha Boostada Soomaaliya oo la gaarsiin doono dhammaan dawlad-goboleedyada dalka si dadka Soomaaliyeed oo dhan ay uga faa’iideystaan.

Wasiirka oo ay wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee Geneva, Danjire Ebyan Maxamed Saalax iyo khubaro ka socota Wasaaradda, ayaa kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud ee UPU iyo Ku-xigeenkiisa, iyagoo kala hadlay sidii loo dhammeystiri heshiisyadii ay wada gaareen Wasaaradda iyo UPU bishii Abriil ee sanadkan.

“In dib loo dhiso adeeggii boostada wuxuu lama-huraan u yahay dhaqaalaha dalka maadaama boostadu qaban karo adeegyo muhiim u ah dhaqaalaha sida fududeynta ganacsiga internetka (ecommerce), fududeynta arrimaha maaliyadda iyo bixinta adeegyada dawladda ee ay muwaadiniintu ka faa’iideystaan (eGovernment),” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlayay sida dhaqaalaha dalkeenu uga faa’iidi doono dib-u-dhiska adeegga boostada.

Soomaaliya ayaa sanadkan ka baxday dalalka ay cuna-qabateyntu ka saaran tahay dhinaca dirista boostada iyo xuquuqda codeynta, kuwaas oo gaaraya 24 dal oo u badan Afrika. Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Boostada Adduunka ay isbeddelo waaweyn la kulantay 10kii sano ee ugu dambeysay ee adduunka ay ku soo kordheen ganacsiga internet (ecommerce), kaas oo yareeyay dirista warqadihii caadiga ahaa.

DHAMMAAD

Shaqaale ka tirsan hay’adda socdaalka Soomaaliya oo uu tababar ugu furmay Denmark

0

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Col;  Maxamed Aadam Koofi ,ayaa tababar ku saabsan hababka maareynta socdaalka xudduudaha iyo hubinta dekumentiyada safarka uga furey Magaalada Copenhagen ee Dalka Denmark saraakiil ka tirsan qeybaha Socdaalka Dalka.
Tababarka oo socon doona Todoba Cisho ayaa waxaa bixinaya khubaro iyo saraakiil ka tirsan Booliiska Denmark.

Saraakiisha ayaa sidoo kale booqasho aqoon kororsi ah ku tagi doona Xafiisyada Socdaalka iyo garoonka caalamiga ah Copenhagen.
Agaasimaha guud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Denmark fursadda tababar ee ay ugu deeqeen howl-wadeenada HSJ, wuxuuna kula dardaarmey saraakiisha in ay ka faa’iideystaan casharada tababarka oo muhiimad gaar ah u leh howlaha socdaalka Dalka.

Dowladda Denmark ayaa ka mid ah Dalalka saraakiisha HSJ ay u tagaan tababarrada iyo aqoon kororsiga.

Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Goboleedayda oo kawadda hadlay Qorshaha horumarinta Qaranka

0

Kulan wada tashi ah oo ay wada yeesheen Wasaaradda qorshaynta Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada dalka ayaa looga hadlay halka uu marayo qorshaha horumarinta Qaranka.

Shirka Golaha horumarinta Qaranka ayaa si wayn looga hadlay diyaarinta qorshaha horumarinta oo meel gabo-gabo ku dhow, kaasi oo lafilayo in la hor geeyo  golaha Wasiirrada si ay u meel mariyaan.

Qorshahan ayaa sida ku cad waxaa ka mid ah siyaasadda deeqaha Caalamka uu siiyo Soomaaliya, kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka , khayraadka, wax soo saarka , dhismaha Waddooyinka , kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka Dhallinyarada, maalgashiga ganacsiga ,maaraynta Biyaha iyo xoojinta dowladnimada .

Wasiirka Wasaaradda Qoshaynta mudane; Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahaan uu wax badan ka duwan yahay kuwii hore, maadaama ay haatan Soomaaliya gacanteeda  ku sameeysaneyso si loogu saleeyo baahiyaha dalka ka jira.

Asad Yuusuf  Qanyare, Maareeyaha horumarinta qorshaha qaranka ayaa sheegay in ay maalmaha soo socdo ay horgayn doonaan qorshahaan golaha Wasiirada, si loo meel mariyo.

Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Novembar 2018kii kii meel mariyay geeddi socodka qorshaha Qaranka.

Soomaaliya, Masar iyo Kenya oo shir ku yeeshay Magaaladda New-York

0

Magaalada New York waxaa wadda hadallo ku yeesheey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi kulankas ayaa ku soo idlaaday  is faham.

Kulankan ay yeesheen madaxda Soomaaliya ,Kenya iyo Masar ayaa  waxaa soo qabanqabiyay guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa sheegay in loo bahaan yahay in la hagaajiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeynaya ka mira dhalinta isafgaradka laga gaaro xaaladda hataan tagaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas oo la isku waafaqay.

Madaxda Soomaaliya,Kenya iyo Masar  ayaa sidoo kale isla gartay in laga dhawrsado wax walba oo uu keeni kara  kala fogaansho shucuubta gobolka, dadaalladana la isugu geeyo sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga mahadcelinaysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Sisi dowrka hoggaamineed uu ka qaatay wada hadalladan oo bilow fiican u ah isu soo dhawaanshaha labada dal.

 

Madaxweyne Farmaajo oo kulan layeeshay dhiggiisa dalka Turkiga

0

Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii lagu guda jiray Shirka 74-aad ee Qaramada Midoobay, waxaa uu wada hadal kula yeeshay magaalada New York Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Labada Madaxwayne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii loo  dardargalinta iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladdood.

Sidooo kale Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo wuxuu magaalada New York kula kulmay Madax ka socota dalalka Caalamka, kuwaas oo ka qayb galay shirka Qamada Midoobay ee lagu qabtay New York.

 

Soomaaliya oo Ku Guuleysatay Guddoomiye Ku xigeenka Hay’adda Caalamiga ee Soolarka “Sawirro”

0

Danjiraha cusub  ee Soomaaliya ayaa ka qayb gashay shirka hay’adda  caalamiga ah ee Solarka aduunka ee ISA kadib shirkaasi waxaa Soomaaliya ku guulastay  kursiga gudoomiye ku xigeenka gudigga sharciga hay’adda caalamiga ah ee Solar aduunka waxaana hadda gudoomiye ka ah gudiigan sharciga   dalka Australi .

Kulan guud oo ay yesheen Agaasimaha guud ee hay’adda  ISA Upendra Triphty iyo Safiirka Soomaaliya ee India Marwo fadumo Cabdullaahi ayaa waxa looga wada hadlay sida looga fa’iideysankaro Tamarta cadceedda Soomaaliya.

Hay’adda ISA ayaa sheegtay in Soomaaliya ka sameyn doonto Mashruuc looga faa’iidaysanayo keydla qoroxda  ka dibna loo badalo hab Koronta ah iyo  Tababaro loo sameynayo dhalinyaro Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Madaxda Hay’adda ISA ayaa kullan laqaatay Safiiradda Caalamka oo Shirkaas ka qeyb galay iyaga oo arrimo badan kawada hadlay.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhida dalka Hindiya Marwo Faduma Cabdullahi Maxamuud ayaa dhawaanahan waday boqoshooyin ay ku tagesay xarumaha Dowladda India hay’addaha caalamiga ah ee dagan dalkaas iyo safaradaha ay Soomaaliya xariirka dhaw leyihiin sida kuwa Africa, Carabta iyo Dowladaha kale ee caalamka.

Hoos U dhac Faa’iidada Saliidda Sacuudiga Kadib Weerarkii Warshadda Aramco ee Sacuudiga.

0

DUBAI/LONDON/RIYADH (Reuters) – Sacuudiga ayaa waxaa suurtagal ah in ay in ay diiwaageliyaan shirkadeeda baaxadda weyn sanadkani kadib markii weerar lagu qaaday horaantii bishan ceelasheeda shidaalka, sida ay muujinayaan labo ilo wareed oo laga helay shirkadda Aramco.

Warar billow ah oo laga helay shirkadda oo ah tan ugu weyn ee shidaal dhoofinta dunida – ayaa la sheegay in ay tahay tiirka ugu weyn ee isbedelka Sacuudiga marka loo eego xagga farqiga dhaqaalaha ay kahesho saliidda ay kusoo jiidato shirkadaha shisheeyaha.

Guddoomiyaha Shirkadda Aramco, Yassir al-Rumayyan, ayaa todobaadkii hore sheegay in weerarka kadib uu hoos u dhac ku yimid wax-soosaarkii saliidda iyadoo shirkadda ay ahayd tan ugu dhoofinta badan caalamka.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareeray kadib markii rasaas lagu dhuftay warshadda shidaalka ee shirkadda saliidda Aramco ee dalka Sacuudiga oo kutaala Abqaiq, Saudi Arabia, 14-kii September, 2019.

Heshiiska shirkadda oo dib loo dhigay sanadkii lasoo dhaafay, ayaa la filayay inuu dhaco bishii November, ilo wareed ayaa sheegay in ay shirkaddu bixisay 1% taasi oo ah talaabadii ugu horeysay oo ay ku bartilmaameedkeeda oo ahaa 5% xagga saliid iibinta dunida taasi oo ay dhici karto in ay dhaqaalaheeda uu gaaro $100 bilyan oo doolar.

Aramco oo ah shirkadda saliidda ee dowladda Sacuudiga ayaa ah shirkadda jirta 85-sano taniyo markii la aas aasay ayaanan ka jawaabin codsiyo loo jeediyay si ay uga hadasho arimahani, halka ay ilo wareedyo muujinayaan in ay shirkaddu diiday in ay kala cadeyso macluumaadka la xiriira wararkaasi.

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Abaalmarinta Hoggaaminta ee Shirweynaha New york.

0

Waxa sharaf ii ah inaan galabta idin la joogo shirweynaha sannadlaha ah ee Concordia. Waxaa sidoo kale sharaf ii ah inaan guddoomo Abaalmarinta Hoggaamineed ee Concordia, sannadkan 2019.

Waxaan si gaar ah Hoggaanka Concordia uga mahadcelinayaa inay aqoonsadeen dadaalka joogtada ah ee ay madaxda Geeska Afrika ugu jiraan sidii gobolka nabad loogu soo dabbaali lahaa.

Khilaafka iyo dagaalku waxay siyaabo kala duwan u siyaadiyeen saboolnimada ka jirta gobolka, sida inay dhaawac weyn u geysteen kaabayaasha dhaqaale; hay’adaha iyo waxsoosaarka; burburinta hantida; qoqobka iyo kala daadashada mujtamaca iyo shabakadaha bulsho; barakac khasab ah iyo shaqo la’aan iyo sicir barar joogto ah. Waxa intaasi dheer, kheyraadka oo yar oo ay wehliso koror dadweyne oo xawli ah, saboolnimada iyo horumar la’aanta ayaa sidoo kale ah qodobo qeyb ka qaata xasillooni la’aanta gobolka.

Nabaddu waxay lagama maarmaan u tahay in la helo koboc waara, waxaana sidoo kale ka tarjumaysaa heshiis ama wada noolaansho bulsho, deganaan iyo barwaaqo.

Waxa sharaf ii ah inaan idin la wadaago in Geeska Afrika ay hadda ka jirto saansaan rajo iyo nabdeed kaddib sannado badan oo nabadgelyo la’aan ah. Si kastaba, in nabadda la joogteeyo waxay u baahan tahay kalsooni dhis, isu-tanaasul, wadajir, faham iyo in ay taasi ka go’an tahay dhammaan dhinacyada qaybta ka ah khilaafka.

Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee u dhexeeyay saddexdeenna waddan waxa uu xoogga saarayay isdhexgalka dhaqaale, waxaana mahad iska leh Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Mudane Isaias Afwerki.

Intaas marka laga yimaaddo, waxa weli jira caqabado u baahan in lagaga gudbo taageero dhanka dhaqaalaha ah iyo mid siyaasadda ah.

Ugu dambayntii, waxaan jeclahay inaan Concordia ku bogaadiyo inay isu keentay dhammaan bulshooyinka caalamka, waxaana uga mahadcelinayaa abaalmarintan hoggaamineed ee ay igu sharfeen.

Fadlan halkaas ka sii wada hawsha qiimaha leh ee aad haysaan.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;