Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay kacdoonka ka dhanka ah argagaxisada.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay tallaabada iska caabinta ka dhanka ah argagaxisada Al shabaab, kadib markii gobollo Koonfurta iyo bartamaha dalka ka mid ah ay ka billaabatay kacdoon shacbi ah kuwaas oo dagaallo ugu hortagay argagaxisada.

Kacdoonkan shacbi oo ka dhanka ah Al shabaab ayaa ka curtay deegaannada Koonfur-Galbeed Hirshabeelle, iyo qeybo ka mid ah Mudug, kuwaas oo lagu wiiqay aragagaxisada, kacdoonka halgamayaasha Macaawisleey ayaa ka jawaabaya cadaadiska aragagaxisada ay ku hayaan shacbiga Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa soo dhaweynaya kacdoonka shacbi ee ka dhanka ah argagaxisada ah.

“Dowladda Federaalka waxaa ay soo dhaweynaysaa kacdoonnada lagu wiiqay awoodda kooxda argagaxisada ah ee Al shabaab, oo shacabku kaga horyimaadeen gobollada Shabeellada dhexe, Mudug iyo Hiiraan.

Kooxda Al shabaab waxaa ay caadeysatay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay boob iyo hanjabaad joogta ah ku cadaadiyaan shacbiga Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...