Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo saxiixay sharciga dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee musuq-maasuqa.

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ka dib xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka waxaana uu noqonayaa sharci rasmi ah oo la isticmaalo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”oo u mahad celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha JFS”Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin”

munaasabadda oo si toos ah uga baxaysay warbaahinta Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiiro,xildhibaano,saraakiisha ciidanka, sharci yaqaano,culimada diinta iyo ganacsato sidoo kale ururada bulshada rayidka waxaana aad loo wada bogaadiyay in sharcigaan la helo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...