Home Blog Page 1003

Wasiir Beyle “sanadda 2020-ka waxaan rajaynaynaa in deynta cafinta soo gabagabowdo.

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Muqdisho ugu qabtay warbaahinta shirka jaraa’id ee billaha waxaa uu uga hadlay guusha Soomaaliya gaartay wada hadalkii ugu dambeeyay ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir Beylle ayaa soo dhaweeyay warbixintii ay soo saartay hey’adda lacacga adduunka oo ay ku sheegtay in Soomaaliya ay dhammeystirtay qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee deyn cafinta waxaana uu dul istaagay shuruudihii ku xernaa.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday shuruudaha ku xeran wajiga afaraad ee barnaamijka deyn cafinta waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya ay raja wanaagsan ka qabto ka guul gaaridda wada hadallada deyn cafinta.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu hoosta ka xariiqay guusha wada hadallada deyn cafint inay ku xeran deganaashaha dalka iyo in Soomaaliya ay ka soo baxdo shuruuraha horyaalo waxaana uu bogaadiyaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo balan qaaday inay taageerayaan talaab walba oo Soomaaliya looga cafinayo deynta.

Geedi socodka wada hadallada deyn cafinta Soomaaliya oo soo maray wajiyo kala duwan ayuu wasiirku sheegay in ugu dambeynta Soomaaliya ay rajeynayso inay guul ka gaarto sanadka soo aadan ee 2020 lagana cafiyo deymaha.

Kacdoon dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab ka billowday gobollo dalka ka mid ah.

0

Shacabka ku nool gobollada koofurta Soomaaliya oo billaabay dagaal ay deegaannadooda uga cirib tirayaan malleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabaab.

Malleeshiyada Al-shabaab ayaa sii wada dhaca iyo boobka ay ku hayaan dadka xoolo dhaqatada, Ganacsatada, Beeraleyda iyo dad shacabka caadiga ah ee ku dhaqan gobollada, Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Xudur iyo deegaanno kale, laakiin cadaadis muddo sannado ah socday kaddib waxaa billowday kacdoon shacab oo ka dhan ah argagixisada Al-shabaab.

Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan waxaa ka aas-aasmay dhallinyaro la baxday Macawiisleey oo dagaal toos ah kula jira Al-shabaab, dagaallo badanna ugu geystay khasaare lixaad leh kaddib markii ay u dulqaadan waayeen dhaca ay Al-shabaab ku hayaan hantidooda.

Qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa Al-shabaab laga saaray tuulooyin ay ku qaadayeen waxa ay ugu yeeraan Zakawaat-ka oo ay ku banneystaan xoolaha shacabka.

Dhallinyaro kacdoon abuubulan sameysay ayaa Al-shabaab kula dagaallantay tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool, waana dhacdadii ugu dambeysay.

Malleeshiyada Argagixisada ayaa tobaneeyo Geella ka dhacay tuulooyinkaas hasa yeeshee dhallinyaradii dagaalka ka gashay ayaa dhowr neef oo xoolahoodii la dhacay dib ugu soo furtay Al-shabaab.

Warbaahinta Qaranka ayaa wareysatay maamullada deegaannadii lagula dagaalay nabad-diidka iyo qaar ka mid ah dhallinyaradii abaabulkaas sameysay oo wacad ku maray in ay dhulkooda u diidi doonaan argagixisada.

Waxaa socda abaabul kale oo ay shacabka ku damacsan yihiin in ay ku mideeyaan dagaallada laga isaga xorreynayo Argagixisada Al-shab

Wakiilka QM James Swan oo la hadlay soomaalida.

0

Wakiilka xogeyaha guud ee Qaramada midoobe ee Soomaaliya James Swan ayaa war ka soo saaray maalinta nabadda adduunka

Maanta oo adduunka xusayo maalinta Caalamiga ah ee Nabadda, ayaa Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta ku dhiirro-geliyay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan xaqiijinta nabad-waarta oo ka hirgasha dalkooda.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha.

Nabad waarta waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Maalintan muhiimka ah, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan go’aankooda ah inay kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu raaciyay.

Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo in ay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in maalintaas loogu dabaal-dego munaasabado waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixaya sharci muhiim ah.

0

Madaxweynaha Famhuuriyadda Federaalka mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixi doona Sharciga dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee musuq-maasuqa ee Federaal iyo heerka dowlad goboleedka.

Sharcigan oo marxalado kala duwan soo maray wuxuu dhaqan geli doonaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, sharcigan ayaa saldhig u noqon doona la dagaalanka musuq-maasuqa, isla markaana wuxuu badbaadin doonaa hantida dad weynaha.

Sharcigan dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee labada heer Federaalka iyo heer dowlad goboleed ayuu Madaxweynuhu ku saxiixi doonaa barqanimada maanta ah munaasabad ka dhacayso Villa Soomaaliya.

Purchase a Bride On the web – Marriage Online

0

Buy a bride online can be a great way to find that special someone who have already been betrothed. Historically, mail-order bridal brides were people who listed themselves on catalogs in various urban centers and were later picked by different men with regards to engagement or marital relationship. In general, the ladies involved were usually residents of other countries, electronic. g. females from Countries in europe going to the US through the snail mail in order to pursue an education or for occupation. Many of these relationships ended up in divorce tennis courts because the star of the wedding was not in a position to meet the soon-to-be husband in person, also because they were not able to communicate more than long miles or using the web.

The Internet can be changing the face of the seeing industry. With the use of online dating sites, couples are able to satisfy one another and make arrangements to get a wedding or perhaps engagement. This means the star of the wedding can simply search the Internet just for an appropriate internet site to date with and the soon-to-be husband can the actual same, while not traveling foreign. These sites permit the potential wedding couple to conversation via text message or email to choose the certain person they want to have his or her spouse. They will even check out photos and videos belonging to the person, which can be convenient on their behalf, as it permits them to look at their face without having to actually physically meet the person face-to-face. Some sites will also allow bride and groom select a wedding date or a destination, so that they know where they want to go with their very own special day.

When one buys a bride via the internet, there are several rewards for both the bride and groom. One of these is that it will save you time. A person travel out of town or in the country only to meet 9 Ways to Know You’ve Found the Right Bride from Russia the person exactly who you love. You can just take advantage of the Net and place an order with one of the many online providers. This makes certain that both the wedding couple get their desires up and feel like they have accomplished something totally new by meeting a potential life time partner. Of course , there is also the simple fact that the Net is a very safe way to satisfy someone. Yourself your dream partner, you can be sure he or she is somebody who you can discuss a lifetime with.

The way to get Married Via the internet

0

Internet wedding brides are more prevalent now than ever before. More people are looking for a special someone and are ready to do all in their power to find it. Internet brides are more accessible than traditional wedding brides. They can generally easily take a look at a website, fill out a simple variety, and send off an email-based with the photo and info they mail order bride the original source want the individual they want to get married to to see. The challenge with these types of brides is the fact there is not an actual face to face meeting with the individual.

There are several different ways in order to meet the perfect person online. There are bridges that list their very own profiles to the internet pertaining to potential clients to view. They will always be very easy to adhere to. These wedding brides may even will include a photo of themselves. A lot of brides have had 1-2 meetings together with the person they wish to marry and know what to anticipate. Others will meet these people on the internet through a dating site.

There are many different ways to find someone. If you wish to know getting married internet, there are several things should be aware of. For one thing, the internet is full of scams which can be willing to consider your money and leave you depressed. You may have noticed some wedding brides that do not have any idea who they actually are looking for, and that they are just advertising their pictures. That is why you may need to accomplish your research, and stay honest. Be sure you have a picture of yourself, the one that is a good representation of you. You should not need to sacrifice the appearance to obtain that special someone you really want.

Heshiis Ceymis ah oo dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiga

0

Heshiiskan iskaashi ee labadan shirkadood oo laga kala leeyahay Soomaaliya iyo Turkiga ayaa yimid kadib markii dalka Turkiga safar shaqo uu ku tagay madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya(First Somali Takaful and Re-takaful) Maxamed Cabdi Maxamed oo uu wehliyo lataliyaha shirkadda Hilaal sheekh Cusmaan,kuwaasi oo kulamo la yeeshey ganacsatada Turkiga.

Safarka shaqo ay ku yimaadeen dalka Turkiga ayaa ahaa sidii ay u hormarin lahaayeen shirkadda Ceymiska Islaamiga ee Soomaaliya, heshiis wada shaqeyn ahna ula soo geli lahaayeen shirkadda Ceymiska ee dalka Turkiga,lagana hirgaliyo xarun ay shirkaddu ay leedahay dalkan turkiga.

Ujeedka arrintan ayaa la xiriirta si bulshada soomaaliyeed ay u helaan shirkad Ceymis oo la isku halaynkaro una qabato adeegyada Ceymiska,sida Ceymiska Caafimaadka, Ceymiska Tikidada,Ceymiska baabuurta,Guryaha IWL.

Heshiiskan ganacsi oo ay ku heshiiyeen labadan shirkadood ee Ceyymiska Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa kala saxiixday madaxa shirkadda Ceymiska Islaamiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Maxamed iyo shirkadda Ceyymiska Dalka Turkiga oo uu ka socday Arif Hikmet Cesur,ahna la-taliyaha Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Turkiga.

Waxaa saxiixa heshiiska dhexmaray labada shirkadood goob joog ka ahaa Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Jaammac Cabdullahi Maxamed Ceydiid,mas’uuliyiin iyo ganacsato ka soocotay dowladda Turkiga iyo howlwadeenada Safaaradda soomaaliya ee dalka Turkiga.

Dad Shacab ah oo Argagixisada Alshabaab kula dagaalamay Gobolka Bakool

Dadka deegaanka ayaa Maleeshiyada Alshabaab kula dagaalamay deegaanka yab-yab oo hoostaga degmada xuddur ee gobolka bakool, waxana dagaalkaas dhacay ka dib markii habeenimadii xaley ay Kooxda Alshabaab si boob ah xoolo uga ka xaysatay dad xoolo
dhaqato ah oo deegaankaas deganaa waxana saaka kadaba tagay dad shacab ah oo isu abaabuley inay la dagaalamaan Kooxda alshabaab.

Dadka Deegaanka ee Is-abaabulay oo la baxay Cali Qaran ayaa Deegaanka Yab-Yab in Muddo ah ku dagaalamayey Maleeshiyada Baxsadka ah ee Alshabaab, waxaana markii dambe ay Nabad diidka kasoo furteen xoolihii ay ka qaateen, iyadoo durba goobta ay gaareen ciidamada xooga dalka oo ugurmaday dadka shacabka ah.

Ugaas Cali dirir waxa uu ka mid yahay abaabulayaasha Deegaanka ee isku biirsaday in ay la dagaalamaan Argagixisada si naftooda iyo maalkoodaba uga badbaadiyaan, wuxuna sheegey in ay diyaar u yihiin la dagaalanka cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Shacabkaan labaxay Cali Qaran oo la dagaalamaya Cadowga Qarannimada Soomaaliya ayaa waxay ubadan yuhiin dad da’ah oo ay ka go’antahay in ay dhiigooda u daadiyaan difaaca dadkooda.

Cabdulaahi Aadan Maxamed waa Taliyaha Ciidanka deegaanka ee Cali Qaran wuxu warbaahinta Qaranka uga waramay waxa ku kalifey in ay is abaabulaan oo Hubka ay qaataan.

“waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo geysanayaan maleeshiyada Aslahaab, kadib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalanno arintaasna waan ku guuleysanay” ayuu yiri Cabdulaahi Aadan Maxamed.

Mashruuca daaweynta xoolaha oo Muqdisho laga Daah furay

0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta daah-furay Mashruuca daaweynta xoolaha oo laga fulin doono guud ahaa Gobolada dalka oo dhan.

Ololaha daaweynta xoolaha oo loogu talo galay in si lacag la’aan ah loogu dabiibo In ka badan 14 milyan oo xoolo ah, isuguna jira Ari, Lo’ Iyo Geel ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, hey’adaha FAO , UK aid iyo midowga yurub.

Xaflada daah-furka mashruuca daweynta xoolaha oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Xaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Wasiirada Xanaanada xoolaha ee maamul goboleedyada, Dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay daaweynta xoolaha oo kamida Ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu leeyahay.

Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada dhaqaatiirta xoolaha iyo Wasiirka xanaanda xoolaha Koonfur galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ku hadlay magaca maamul goboleedyada ayaa sheegay In ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii loo fulin lahaa mashruucan oo ka hortaggi doono dabar go’a xoolaha Dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray ayaa sheegay in si loo xoojiyo dhoofinta xoolaha ay muhiim tahay in aad looga shaqeeyo daaweyntooda, maadaama ay dalka laf dhabar u yihiin.

Xoolaha oo ka mida ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu ku xisaabtamo ayaa laga talaali doonaa Cuduro kala duwan sida gooryaanka, shilinta, iyo cudurada kale ee qatarta ah si loo kordhiyo tiro ahaan iyo tayo ahaan intaba.

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo madaxda Qatar Charity oo wada jir xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu kordhiyay Isbitalka Deyniile

0

Munaasabad kooban ooo xariga looga jarayay xarunta cusub ee hooyada iyo Dhallaanka oo lagu kordhiyay isbitalka Deyniile ee Muqdisho waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mawro Fowsiyo Abiikar Nuur madaxda Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya oo kaalin ka qaadatay hirgelinta iyo qalabeynta xaruntaasi,guddoomiyaha demada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar iyo xubno kale,kuwaasi oo ku ammaanay Hay’adda Qatar Charity sida ay u garab taagan tahay bulshada Soomaaliyeed goor kasta.

Mas’uuliyiintan ayaa si wada jir ah u kormeerey qeybaha xaruntaasi ay ka kooban tahay,iyagoo u kuurgalayay habka loo qalabeeyey iyo dhismaheeda iyo in ay dabooli karto baahiyaha bukaanada,wasiirka caafimaadka ayaa maamulka isbitalkaasi ka dhageystay warbixin ku saabsan qaabka loo qalabeeyey xaruntaasi iyo sida ay bukaanada baahiyohooda u dabiili karto.

Cabdi Nuur Xaaji Cali Madaxa Hay’adda Qatar Charity xafiiskeeda Soomaaliya ayaa faah faahiyay dowrkoodi ku aadan howlaha xaruntaasi cusub lagu hirgeliyay iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay.

“Maanta waxaa farxadweyn inoo ah in aan furno xarunta Hooyada iyo Dhalaanka ee Isbitalka Deyniile,xaruntan waxaa ay ka kooban tahay 11 qol oo dhamaan qeybaha loogu talagalay hooyada iyo dhalaanka ka kooban farmashi leh,qeybtii Sheybaarka leh,marka xaruntaasi waxaa dhistay oo maalgelisay Qatar Charity,waxaana howsha socodsiinaysa Hay’adda back.”. ayuu yiri Cabdi Nuur Xaaji Cali

Wasiirka Caafimaadka XFS Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa bogaadiysay howlaha lagu garab istaagayo dadka danyerta ah,iyadoo ka wasaarada ahaan sheegtay in dowrkodi ay ka qaadanayaan sidii loo daabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee bulshada.

“Hay’adda Qatar charity waxbadan ayay dalka ka qabatay,ma ahan oo kaliyaha xaruntan,waan u mahadcelinaynaa,xaruntan hooyada iyo dhalaanka waa waxyaabaha wadanka uu u baahanyahay,meelaha dalka uu ka nugulyahay waa Hooyada iyo Dhalaanka,anaga waxaan ku dadaalaynaa wax allaale wixii karaankeeni ah in aan raadino”.ayay tiri wasiirka Caafimaadka.