Home Blog Page 1003

Ra’iisul Wasaare Khayre oo daah-furay habka Onlie-ka ee diiwaan-gelinta Ganacsiga

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo ay diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo qayb ka ah fududaynta ama sahlidda ganacsiga ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sheegay in ay ka dhalayso in dhaqaaluhu kobco iyo in abuurmaan shaqooyin badan oo lagu yareeyo shaqo la’aanta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hadafka ugu wayn ee dawladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo duniduba ay aaminaan, aaminaaduna ay ku xirantahay in dawladdu ay iyadu kasoo baxdo dawrkeeda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga ee hadda lagu guulaystay hir-gelintiisa uu ganacsatada Soomaaliyeed siinayo fursad wanaagsan, isaga oo intaa raaciyay in dawladda ay ka go’antahay in ganacsatada ay ku garab istaagto horumarinta ganacsigooda si dawladduna ay uga hesho casnshuur.

Wasaaradaha kale ee xukuumadda ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ku dhiirri geliyay in ay dar-dar-geliyaan fulinta qorsha howleedyada u yaalla si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Ururka Haweenka Aqalka Sare oo doortay guddoon cusub

0

Muqdisho (SNTV) Munaasabada lagu dooranayay guddoonka cusub ee Ururka Haweenka ee ku jira Golaah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Murashaxiinta Ku guuleeystay Xilika kala duwan ee loo tartamay ayaa kala ah sida hoos ku xusan:

B)Guddomiyaha Ururka ayaa loodoortay:
1.Senator Jawahir Axmed Cilmi

T)Guddomiyaha Ku -Xigeen Ururka ayaa loodoortay:
1.Senator Fadumo Xasan Aadan Gariyow

J)Guddomiyaha Ku -Xigeen Ururka ayaa loodoortay:
1.Senator Nuura Faarax Jamac

X)Xog-hayaha Ururka waxaa u tarmay:
1. Senator Fartuun Cabdulqaadir Faarax Karaama.

KH)Khasnajiga Ururka ayaa loodoortay:
1.Samsam Ibraahim Cali.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamka

0

Muqdisho (SNTV):-Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamka uga socda magaaladda Marrakech ee dalka Morocco.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa wadahadallo la yeeshay  Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka iyo wakiillo kale ee ka socday Bankiga Horumarinta Afrika iyo maalgashadayaal daneeya Soomaaliya.

“Maanta waxay ahayd maalin wax ku ool ah oo howlo badani ay nooga qabsomeen shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamiga Waxaan wadahadallo yeelanay Madaxweynaha, M/weyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka & wakiillo kale ee ka socday hay’adaha muhiimka ah sida Bankiga Horumarinta Afrika iyo maalgashadayaal daneynaya Soomaaliya”ayuu yiri Wasiir Bayle.

“Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha, dalkeena waxaa bogaadiyey oona tageero buuxda u muujiyey dhamaan hey’addaha caalamiga ah iyo bahwadaaagta Soomaaliya kala shaqeynta horumarinta, midaasna ayaana nagu dhiirigalineysa inaan sii wadno wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya, dowladda, shacabkeeda iyo hey’addaha iyo wakiiladda caalamka, si aynu hore ugu sii dhaqaaqno meesha aynu joogno” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Eng.Yarisow “Waa Fal Waxashnimo ah in Gabar Soomaaliyeed loo diido in ay ku Umusho Isbitaal”

0

Abriil 03, 2019; Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa si kulul u cambaareeyey dhacdo lagula kacay gabar Soomaaliyeed oo loo diiday in ay ku umusho goob caafimaad oo ku taala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha oo falkaas ku tilmaamay mid arxan darro ah ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay u fidiyeen muwaadinaddaas gurmad caafimaad oo deg deg ah, haatanna ay bad qabaan hooyada iyo ilmaheeda oo lagu hayo mid ka mid ah Hosbitaallada Muqdisho.

“Waxaa nasiib darro ah in Muwaadinad Soomaaliyeed oo fool ah in ay ku hor silicdo xarun caafimaad oo loo asaasay in ay hooyada iyo dhallaanka u adeegto. Xilli saq dhexe ah in loo diido xaamilo ugub ah adeeggii caafimaadka ee ay u baahnyad oo ay ko hor dhasho goobtaas waa dhacdo aad u xanuun badan oo ay tahay in si adag loola xisaabtamo ciddii ka danbaysay arrinkaas.”

Guddoomiyaha ayaa faray laamaha adeegyada bulshada ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula socdaan adeegyada caafimaad ee danta guud, dadaaalna ku bixiyaan sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ka soo food saara muwaadiniinta guud ahaan goobaha caafimaadka.

Duqa Muqdisho ayaa xusay iyadoo la kaashanayao Hay’adaha Garsoorka in Caddaaladda la horkeeni doono dadkii falkan kula kacay muwaadinadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in uu haatan socdo qorshe ay kala kaashanayaan Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya kaas oo ku saabsan dib u habaynta iyo diyaarinta xeerka goobaha caafimaadka ee Gobolka Banaadir.

Duulimaadkii ugu Horreeyey oo ka degay Garoonka cusub ee magaaladda Baraawe

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta ka degay goroonka diyaaradaha degmadda Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Maamulkaasi.

Garoonka degmadda Baraawe oo dhismihiisa uu socday muddo Hal sano iyo Sideed bilood ah ayaa maanta waxaa si tijaabo ah uga degtay diyaarad Duulimaadyo toos ah  ka bilowday Magaaladda Baraawe.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada Dawlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa markii uu ka degay goroonka degmadda Baraawe waxaa si diiran gudaha goroonka ugu soo dhaweeyey maamulka degmada Baraawe Saraakiisha Ciidanka iyo Bulshadda Deegaanka.

Maamulka degmadda Baraawe iyo dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa muujiyey dareenkooda ku aadan goroonka loo dhisay, maadaama Baraawe intii ay jirtay garoon diyaaradeed aysan yeelan,  kana uu yahay kii ugu horeeyey.

 

Soomaaliya iyo Kenya oo isku raacay dib u howlgelinta danjirayaashooda

0

 April 03 , 2019 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta Magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa Kenya Danjire Monica Juma.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, xal u helidda is-fahamwaagii bilahan u dhexeeyay labada dal iyo arrimo kale.

Wasiir Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Kenya kaalinta walaalnimada leh ee ay Kenya ka qaadatay dib u dhisidda qarannimada Soomaaliya, taageeradeeda fagaarayaasha caalamiga ah , marti gelinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo kaalinteeda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Labada Wasiir ayaa isla gartay in xiriirka labada dal lagu celiyo halkii uu joogay ka hor is-fahamwaagii labada dal soo kala dhex galay bishii Febaraayo, ayadoo Wasiir Cawad uu u caddeeyay dhiggiisa in Soomaaliya ay u aragto Kenya walaal dhab ah oo mar walba garab taagan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa la wadaagay dhiggiisa Kenya duqeyn ay ciidammada Kenya u geysteen dhowr xarumood oo ay lahaayeen shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya oo ku yaalla gudaha Soomaaliya. Wasiir Juma ayaa ballan qaadday in ay eegi doonaan arrintaasi, ayna ka soo jawaabi doonaan.

Ugu dambayn, labada Wasiir ayaa isku raacay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay labada dal dib u howlgeliyaan safiiradoodii Nairobi iyo Muqdisho si ay howlahooda u sii wataan. Sidoo kale labada wasiir ayaa isla soo hadal qaaday khatarta kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab, ayagoo isku raacay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro.

Gen. Zakia oo ka warbixisey Howlgaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho ka dhacay iyo Waxyaabihii kusoo Kordhay

Muqdisho (SNTV)- Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa Warbaahinta uga Warbixisay Howlgalada maalmahaan ka socdo Caasimada iyo Waxyaabaha kusoo kordhay.

Gen. Zakia ayaa sheegtay in Ciidanka Booliska uu dardar geliyey Howlgalada ammaanka lagu adkeynayo, iyaddoo xustay in Ciidamada ay wadaan Howlgalo guri walba oo ku yaalla caasimada lagu baarayo, si magaaladda looga sifeeyo hubka sharci darrada ah.

Waxay Xustay Gen. Zakia in hab cusub lagu soo kordhiyey baarista Gaadiidka, kaasi oo sahlaya in muddo kooban Gawaarida lagu Xaqiijiyo, waxaana ay tilmaamtay in Ciidamada ammaanka lagu qalabeeyey Agab u fududeynayo Howlahooda shaqo.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in ciidanka Amniga ay Miino ka soo saareen Duleedka Muqdisho, Sidoo kale waxa ay digniin ka jeedisay Gaari la tuhunsan yahay oo noociisu yahay Baraado.

“Waxaan rabnaa in Bulsho weynta Soomaaliyeed ku Wargelino inay jiraan Gawaari nooca Toyoto Prado loo yaqaano oo aan ka war helnay in argagixisadu ay dooneyso in Bulshadda ay ku halaagaan, waxaan dooneynaa in Shacabka ay Feejignaan ka yeeshaan” ayey Tiri Gen. Zakia.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa waxay sheegtay in maalmaha soo socda la adkeyn doono Baaritaanka, islamarkaana Ciidamada ammaanka ay ku Howlgali doonaan Xogo la hubo oo Qeybaha Sirdoonka dalka ay ka heleen.

Guddoomiye Mursal oo sheegay in dhameystirka Dastuurka uu muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah

Muqdisho (SNTV) Ugu horeyn hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo lagu bilaabay kulanka guud ee golaha shacabka ayaa hadalkiisa ku bilaabay Xaaladda amni ee dalka iyo dhibaatooyinka kooxaha Argagaxisada ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale sida kooxahan nabad diidka ah looga hortagi karo ,sidoo kale Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo baahanyahay in lala xisaabtamo Hay’adaha amaanka ee Dalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa waxa uuna sheegay in dhameystirka dastuurka uu dalka muhiim u yahay si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah,waxaana dhinaca kale  xukuumadda federaalka Soomaaliya uu sheegay in laga sugaayo soo gudbinta shuruucda dalka muhiimka u ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale faray guddiga Isgaarsiinta ee golaha shacabka in ay baaritaano sameeyaan oo ay warbixin ka keenaan xarumo shirkado ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo la burburiyay kuwaasoo ku yaala Qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Sidoo kale Guddiga la socodka,dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa golaha usoo gudbiyay Warbixin ku saabsan hanaanka dib u eegista dastuurka gaar ahaan cutubyada 1-5-aad ee dastuurka, waxaana warbixinta golaha u aqriyay Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ka mid ah xubnaha gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka ee labada aqal.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in arrinta dastuurka ay muhiim u tahay in lagu daro arrinta Somaliland oo muhiim u ah dhameystirka dalka.

Kulanka guud ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa loogu qeybiyay waxka bedelida sharciga furdooyinka,soo gudbin axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah,hindise sharciyeedka maamulka dakhliga ,Miisaaniyadda sanadka 201-9-ka,Warbixinta afar biloodlaha ah ee guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Qaranka iyo xeer-Hoosaadka Golaha Shacabka baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa waxaa soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Daawo Sawiradda Howlgalada Ciidanka Xoogga Dalka ka wadaan Sh/hoose

Muqdisho (SNTV) Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa Howlgallo lagu baacsanayo Maleeshiyada Argigixisada Al-Shabaab kawada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Danab ayaa Raashin qeybin ka wada Deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose oo lagala wareegay Argagaxisada.

Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gaashaanle Cabdi raxmaan Sheekh Cumar (Jeeniqaar) ayaa sheegay in Howlgalo ay ka sameeyeen Deegaanada ay kala wareegeen Argagaxisada ay kusoo arkeen Hormar la’aan dhinaca Waxbarashada, Biyaha iyo Nolosha qeybaheeda kala duwan, taas oo ku qasabtay ciidanka inay Gurmadka iyo weerarada ay ku baacsanayaan Argagaxisada isku dhinac wadaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalada ay sii soconayaan, isla markaana Cadowga loogu tagayo deegaaanda ay ku dhuumaaleysanayaan, wuxuuna Shacabka kaga mahad celiyay sida ay ciidanka ula shaqeynayaa, iyagoo u tilmaamaya meelaha ay u ordayaan Maleeshiyada Al shabaab.

Taliyaha Ciidammada Dhulka oo faah-faahin ka bixiyay Howlgallada ka socda Dalka

Muqdisho (SNTV):Xaalada deegaannadii ay la wareegeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa saakay degen iyadoo howlgallada lagu baacsanayo Maleeshiyada Argigixisada Al-Shabaab ay halkoodii kasii socdaan.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgallada guullaha laga gaaray iyo sida ay u socdaan, isaga tilmaamay in deegaanada haatan ay la wareegeen ciidamada inay yihiin kuwii dhibaatooyinka ugu badan ee dhaca iyo Boobka ah ee Al-Shabaab ugu gaysan jireen Shacabka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay inay Howlgaladaan sii socon doonaan, inta maleeshiyaadka Al-Shabaab laga dul qaadayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatadda ay ku haayaan.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhanka kalena sheegay inay jiraan Qaraxyo Argagixisadu ay ku diyaarinayeen Goobaha qaar ee lala wareegay, kuwaas oo ay burburiyeen ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.