Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Sarakaal sare oo katirsan Argagixisada Al-shabaab.

Date:

Ciidanka Kumaandooska Danab Gàar Ahaan Ururka 5aad Guutada 16’aad CXDS Iyo Kuwa Nabadsugida Maamulka Jubaland Ayaa Howlgalo lagu baacsanyo Argagixisada Ka waday malmahan Deeganada Dhaca Dhinaca Galbeedka Magaalada Kismaanyo Ee Gobolka Jubada Hoose.

 

Deegaanadan Oo Kala Ah Shabac ,Gaawo Gabdhoodle,Beerxaani,Qudus Iyo Kaanjaroon oo ay  Argagixisadu ka wadeen falal ay ku  dhibataynayaan  Dadka Shacabka ee ku dhaqan degaanadan.

Hawlgalku Intuu Socday ayaa Ciidanka waxa u suuro gashay in Gacanta Ku dhigaan Horjoogihii Argagixisada u qaabilsana Deganadan Oo lagu Magacaabo Maxamed cabdi Mukhtaar Magaciisa Afgarashada ee Ay Argagixisadu Taqaana waa (Sakhraawi) waxayna Khaarajiyeen 4 Dhagarqabe  Oo ahaa ilaalada Horjoogaha,waxana sidoo kale Cagta Lamariyay Goobihii ay Baada Shacabka Uga Qaadanjireen Sida warbaahinta Qaranka u u Xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab Taliye Carab Dheeg Axmed .

 

Hawlgalka ayaa Qayb ka ah Hawlgalada Guud  ee Ciidanka XDS  ku baacsanayo Argagixisada alshabaab & Daacish.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qadka teleefanka ugu hambalyeeyay dhiiggiisa dalka Uganda.

Muqdisho, Jannaayo 21, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qaybgalay Shir-weyne ku Saabsan Nidaamka Federaalka.

Muqdisho, Janaayo 21, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...