
SAWIRKAN WAA TURBI OO HOOS TAGTA DEGMADA BALANBALE
Waxaa jira qisooyin aad maqasho oo aan xusuustaada si fudud uga bixin. Qaar waxay kuumuujiyaan heerka uu gaari karo xanuunka colaadda, halka kuwo kalena ay ku baraan qiimaha cafiska iyo awoodda uu qofku u leeyahay inuu ka tanaasulo aargoosiga.
Mid ka mid ah qisooyinkaas waa tii uu ila wadaagay Axmed Ciise Geedi, oo afar jir ahaa markii aabbihii, adeerkii iyo ina-adeerkii lagu dilay iyagoo dhaan jooga, oo biyo u doonay reerkooda. Qisadan waxaan maqlay intii aan ka qayb qaadanayay diyaarinta dokumentariga “Safarka Nabadda”, oo ka warramaya nabadda ka dhalatay colaadaha sokeeye ee deegaannada daaqsinka ah ee ay wada degaan beelaha walaalaha ah ee Guriceel iyo Balanbale ee gobolka Galgaduud. Qisada Axmed kuma jirin dokumentarigii aan baahinnay ee ay bulshadu sida weyn uga falcelisay, balse waxaan u arkay inay mudan tahay in si gaar ah loo diiwaangeliyo.
Axmed Ciise Geedi: Afar jir aabbihii la dilay
SAWIRKAN WAA AXMED CIISE GEEDI GOOBTA DEGMADA GURICEEL
8-dii Sebtembar 2026 ayaan safar shaqo ku tagay Galgaduud. Fiidkii, abbaaraha 8:30 habeenimo, annaga oo saddex qof ah ayaan Axmed Ciise Geedi kula kulannay maqaaxida Bader 2 ee magaalada Guriceel. Kulankaas ayuu nooga sheekeeyay dhacdadii qoyskiisa ku habsatay. Maalintii xigtay, 9-kii Sebtembar, saacaddu markay ahayd 1:02 duhurnimo, ayaan muuqaal ahaan uga duubay wareysigiisa. “Aabbahay, adeerkay iyo ina-adeerkay oo dhaan jooga ayaa la isku xiray, dabadeedna la toogtay,” ayuu Axmed sheegay. Sida uu nooga sheekeeyay, wuxuu afar sano jiray markii rag ka soo jeeday dhinacii ay isku hayeen dhulka daaqsinka ay saddexda nin isku xireen, dabadeedna hal goob ku toogteen.Geeridaas kaddib, Axmed oo weli ilmo yar ahaa ayaa noqday wiilka ugu weyn qoyskiisa.
Waxaa ka yaraa walaalkii oo maanta qurbaha ku nool. Axmed wuxuu noo sheegay in isagaiyo walaalkii uu Alle garansiiyay inay ka tanaasulaan aargoosiga. Halkii ay dad kale u dili lahaayeen ehelkoodii, waxay doorteen inay nabadda qaataan, kana shaqeeyaan sidii loo joojin lahaa dhiig kale oo daata. Wuxuu go’aansaday inuu qofkii aabbihii dilay isaga iyo Alle isu daayo, xisaabtiisana aakhiro loo daayo, halkii uu qof aan waxba galabsan u dhibaatayn lahaa fal uusan geysan.
Cadaadiskii uu kala kulmay dadkii uu ka soo jeeday
SAWIRKAN WAA AXMED IYO KOOXDA NABADAYNTA KA SHAQAYNAYSA EE DEGMADA GURICEEL
Go’aanka Axmed ma ahayn mid sahlan. Sida uu noo sheegay, qaar ka mid ah dadkii uu ka soo jeeday waxay ku caayi jireen sababta uusan uga aargudin aabbihii iyo adeerkii. Waxayku oran jireen in aabbihii ahaa geesi, iyagoo dadaalkiisa nabadaynta ku tilmaamaya fulaynimo, kuna boorrinaya inuu iska daayo wacyigelinta oo uu raadiyo aargoosigii ehelkiisa. Halkii lagu garab istaagi lahaa inuu joojiyo silsiladda dilka, waxaa lagu cadaadinayay inuu dhiig kale daadiyo.
Axmed wuxuu kale oo noo sheegay in maalin, kaddib markii qof ay isku reer ahaayeen la dilay, uu isaga iyo rag kale u tageen koox meel ku sugnayd si ay ugu wacyigeliyaan nabadda. Halkaas waxa ay kala kulmeen hanjabaad. Sida uu noo sheegay, waxaa loogu hanjabay in mid kasta madaxa looga dhufan lahaa shan xabbadood, balse waxa laga baqayay ay ahayd in dilkooda laga aarguto oo dad kale ay iyagana dilaan.
Waxa lagu haystay waxay ahayd sababta uusan uga aargudin dilkii qoyskiisa ee ku dhowaad afartan sano ka hor dhacay, xilli uu isagu u taagnaa badbaadinta nafaha dadka kale. Maanta, Axmed wuxuu ka mid yahay dadka hormuudka u ah u ololeynta nabadda deegaannadaas. Wuxuu ku faraxsan yahay inuu si deggan ugu noolaado nabadda la helay, isaga oo aan xanuunkiisii u beddelin dhib uu qof kale gaarsiiyo.
Doorka nabadgelyada iyo xakamaynta hubka
SAWIRKAN WAA AGAASIMAHE MAHAD SALAAD IYO CIIDANKA NISA, XIRO CIIDAN XIRSI LUGAY EE DEGMADA BALANBALE
Dadkii aan la hadlay waxay si weyn ugu mahadnaqayeen dowladda, gaar ahaan doorka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo dadaallada Mahad Maxamed Salaad ee nabadaynta deegaannadaas. Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiishii aan la kulannay, hay’addu waxay ciidamo geysay toddoba deegaan, waxayna adkaysay xakamaynta hubka.
Ciidamadu kuma eka tuulooyinka iyo magaalooyinka; waxay sidoo kale gaafwareegaandhulka daaqsinka ah. Waxaa dadka looga digay in hub lagu dhex qaato miyiga iyo magaalooyinkaba. Sida lagu baahiyay warbaahinta qaranka ee SNTV, dad hub lagu qabtay ayaa la xiray, qaarkoodna waxaa loo gudbiyay Muqdisho, halka kuwo kale lagu hayay saldhigyada hay’addu ka samaysay deegaannada u dhexeeya Guriceel iyo Balanbale.
Warbixin uu Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV) daabacay 6-dii Luulyo 2026 ayaa sheegtay in ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay labo eedeysane, Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal, ka soo qabteen deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd ee gobolka Galgaduud, iyagoo watay labo qori oo nooca AK-47 ah.
Sida lagu sheegay warbixinta SNTV, labada eedeysane waxaa loo soo gudbiyay Muqdisho,waxaana laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Warbixintu waxay xustay in la filayay in la horgeeyo hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo; laakiin ma aysan sheegin in xukun lagu riday.
SNTV waxay hawlgalka ku xiriirisay fulinta go’aannadii ka soo baxay gogoshii nabadeed eeBalanballe, kuwaas oo ku saabsanaa xakamaynta hubka sharci-darrada ah iyo ka hortagga hurinta colaadaha. Xogtani waxay faahfaahinaysaa tallaabooyinkii amni ee ay dadka deegaanka iyo saraakiishu nooga warrameen intii aan safarka ku jirnay.Isha xogta: SNTV, 6 Luulyo 2026 —https://www.facebook.com/sntvnews/posts/pfbid024F3rJq4WLariMVybKfJaPjbCNKujRDwjNMDJAof7Zc5oJvyXV LEeMUyzin8qviFGl
Dadkii aan la hadlay waxay sheegeen in dhibaatada muddada dheer ku habsatay deegaannadooda ay ahayd colaadda dhexdooda ah. Waxay muujiyeen nacaybka ay uqabaan kooxaha argagixisada, balse waxay sidoo kale ka murugaysnaayeen haldoorkii iyo ehelkii ay colaadahaasi ka qaadeen.
Maxaan ku soo arkay deegaannadii aan booqday?
SAWIRKAN WAA ANIGA OO JOOGA DEEGAANKAKAXANDHAALE EE HOOS TAGTA DEGMADA BALANBALE
Waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxaa ka mid ahayd sheeko uu ila wadaagay Axmed Khaliif Guure, annaga oo ka soo baxnay Guriceel kuna sii jeednay Balanbale. Wuxuuna nooga sheekeeyay walaashiis oo ku dhow labo iyo toban sano jir.
Gabadhu waxay sheegtay inay hadda galabtii iska ciyaarto, habeenkiina cashada reerka kariso. Markii horese, waxay cashada dabka saari jirtay casarka hore, sababtoo ah habeenkii waxa laga baqayay iftiinka dabka. Reerkii habeenkii dab laga arko waxaa loo aqoonsan karay in ay rag joogaan, waxaana laga cabsi qabay in lagu soo duulo. In gabadh yari maanta galabtii ciyaarto, habeenkiina cashada reerka kariso waxay halkaas ka ahayd isbeddel weyn oo muujinaya qiimaha nabadda.
Waxaan sidoo kale la kulmay nin ii sheegay inay ku dhaceen ilaa toban xabbadood isaga oo gurigiisa jooga. Dhaawaciisa oo aad u cuslaa awgiis, waxaa loo qaatay inuusan ka badbaadi doonin, balse markii dambe waxaa daaweyn loogu soo qaaday Muqdisho. Waxaan deegaankiisii kula kulmay isaga oo faraxsan, kuna samraya wixii Alle u qoray.
Dokumentariga waxaa sidoo kale ku jirta hooyo ku dhow konton jir oo noo sheegtay in haweenku ay raaci jireen geela, ariga iyo lo’da. Sababtu waxay ahayd in ragga la ugaarsanjiray, geedahana la isugu dhuuman jiray. Waxa kale oo aan aad ula yaabay in dadka colaaddaasi dhex martay ay haddana ahaayeen dad is qaba, isku abti iyo isku adeer ah.Waxay ahayd markii iigu horreysay ee aan si dhow u arko colaad intaas le’eg oo dhex taal dad qaraabo dhow ah.
Labadii safar: Xabbad aanan maqal iyo cabsi weli jirta

SAWIRKAN WAA GAROONKA UGAAS NUUR EE DEGMADA DHUUSAMAREEB
Safarkaygii koowaad wuxuu bilaabmay 8-dii Sebtembar 2026, waxaanan ka soo laabtay 20-kii Sebtembar. Waxaan mar kale deegaannadaas ku noqday 28-kii Sebtembar, si aan u sii wadno hawlihii dokumentariga. Intii aan labadaas safar ku sugnaa deegaannadaas, ma maqal dhawaaq xabbadeed. Waxaan shaqadayda u watay cabsi la’aan, waxaana ku hoyanayay meelo aanan markii hore ku fikirin inaan si deggan ugu seexan karo.Meel kasta oo aan tagay, waxaan kala kulmay dad nagu faraxsan, soo dhoweyn iyo ixtiraam.
Socdaalkaygu wuxuu xitaa i gaarsiiyay dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida. Hase yeeshee, raadadkii cabsidu weli way ka muuqdeen dadka qaarkood. Habeen aan qalab u baahday, waxaan la xiriirnay wiil joogay degmada Caabudwaaq, meel qiyaastii sagaashan kiiloomitir ii jirtay, anigoo markaas degganaa degmada Balanbale. Waxaa nagu adkaatay inaan ku qancinno in deegaanku nabad yahay oo la safri karo habeenkii, xitaa markii aan u sheegnay inaan mas’uuliyadda safarkiisa qaadayno. Markii aan ugu dambayn keenay hoteelkii aan degganayn, wuxuu la yaabay sida nabadgelyada leh ee aan ku soo safarnay. Dhacdadaasi waxay i xusuusisay in cabsidii sannadaha badan lagu noolaa aysan si fudud qalbiyada uga bixin.

SAWIRKAN WAA DEEGAANKA OODAALE OO HOOS TAGTA DEGMADA BALANBALE
Socdaalkan waxaan ku tagay degmooyinka Guriceel iyo Balanbale, iyo deegaannada u dhexeeya oo ay ka mid yihiin Oodaalle, Gaxandhaale (Kaxandhaale), Turbi, Xirsi Lugey iyo Bali-Dhiig oo ku yaalla dhinaca xuduudda Itoobiya, kana tirsan gobolka Qoraxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida. Waxaan ku soo arkay qisooyin badan oo aan qoraalkan lagu soo koobi karin: dad ehelkoodii waayay, carruur cabsi ku kortay, hooyooyin duruufo adag reerarkooda ku soo badbaadiyay iyo dad diiday inay xanuunkoodii uga aargutaan qof kale.
Waxaan sidoo kale la soo kulmay gobannimada, martisoorka iyo wanaagga dadka deegaanka. Meel kasta oo aan tagay, sida naloo soo dhoweynayay iyo ixtiraamka naloo muujinayay waxay ahaayeen wax aanan illoobi doonin.
Nabadda la helay iyo muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo
SAWIRKAN WAA HESHIISKII NABADEED EE DHAX MARAY WALAALAHA GURICEEL IYO BALANBALE,WAANA LABADA UGAAS EE CAYR IYO MAREEXAAN
Safarkani wuxuu ii ahaa cibro iyo cashar ku saabsan dhibaatada colaadda iyo qiimaha nabadda. Waxaan si dhow u arkay in colaadi aysan ku ekaan dadka ku dhinta iyo kuwa ku dhaawacma, balse ay saamayn ku yeelato carruurta, haweenka, qoysaska iyo guud ahaan nolosha bulshada. Waxaan sidoo kale bartay in nabaddu aysan ahayn wax lagu cabbiri karo oo keliya maqnaanshaha xabbadaha, balse ay ka muuqato xorriyadda qofku u leeyahay inuu safro, carruurtu ku ciyaaraan, reeruhu habeenkii cuntadooda ku karsadaan iyo dadku inay isu yimaadaan iyagoo aan cabsi qabin.
Qisada Axmed Ciise Geedi waxay si gaar ah ii xusuusisay in cafisku uusan ahayn in qofku illoobo dhibkii loo geystay, balse uu noqon karo go’aan uu ku diidayo in dhibaatadaasi sii socoto. Nabadda maanta la helay waxay u baahan tahay in la ilaaliyo, lana sii xoojiyo kalsoonida bulshada, wada noolaanshaha iyo dadaallada dib-u-heshiisiinta. Ilaahay ha u naxariisto dadkii ku dhintay colaadahaas, kuwa dhaawacyada iyo murugada la noolna ha u boogo dhayo. Nabadda maanta la helayna Alle ha adkeeyo, hana ka dhowro beelahaas walaalaha ah in ay dib ugu noqdaan xanuunkii ay tobannaan sano ku soo jireen.
W/Q: Abdiaziz Yusuf Mohamed (Maygaag),Suxufi | Blogger | Khabiir warbaahineed Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS.
Email: abdiaziizmaygaag@gmail.com

