Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abdikarim Abdulkadir Zubeir ayaa la sheegay inuu saaka ka badbaaday weerar ay laba nin oo hubeysan ay ku qaadeen, xilli uu ku sugnaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Sida ay sheegayaan xogaha la helay, weerarka ayaa dhacay saaka xilli hore, iyadoo sarkaalka uu ka badbaaday weerarka. Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda iyo Qaranka Soomaaliyeed (NISA) oo ku sugnaa bar-koontarool ku dhow goobta ayaa la sheegay inay markii dambe soo badbaadiyeen sarkaalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in sarkaalka uu maanta ballan ku lahaa Taliska Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Xogaha la helay ayaa sidoo kale tilmaamaya in sargaalka uu muddooyinkii ugu dambeeyey la kulmayay hanjabaado uga imaanayey argagixisada Al-Shabaab.
Dhanka kale, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in sargaalka toddobaadyadii la soo dhaafay shaqada laga joojiyey, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo taliye ka sarreeyey.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya faahfaahinta weerarka, Wixii warar ah ee ku soo kordha dhacdadan, dib ayaan idin kula wadaagi doonnaa.

