Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo uga qeyb galayo shirka wadatashiga ee Wasaaraddaha Waxbarashada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa diirada lagu saaraya horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhammeystiran.

“Maanta waxaan soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo aan uga qeyb gali doono shirka wadatashiga ee u dhexeeya wasaaradda waxbarashadda,Hiddaha  iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha waxbarashada maamul goboleedyada dalka, shirkan ayaa diirada ku saari doonaa  horumarinta waxbarashada iyo sidii ardayda Soomaaliyeed u heli lahaayen waxbarasho dhameystiran.”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

“Waxaan si gaar ah ugu mahad celinaa  madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed iyo soo dhaweyntii iyo marti galintii shirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  iyo  kuwa wasaaraddaha maamul gobaleedyada dalka”ayuu intaasi ku daray Mudane Goodax.

Shirkan ka furmay magaalada Baydhabo ayaa socon doona muddo afar maalmood ah kaasoo lagu gorfeyn doono arrimaha waxbarashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha oo Ka Qeyb Galay Gabagabada Shirka Madrid Dialogue

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

HALGANKA NOLOLEED EE XOOG-MAALATADA

Booqasho gaar ah ayaan ku tagay Kawaanka Malaayga ee...