Wasiirka Waxbarashada XFS oo madaxda Jaamacadaha Muqdisho kala hadlay tayeynta Waxbarashada

Date:

 Muqdisho (SNTV) Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacadda ku yaalla gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle, wasiir kuxigenka wasaaradda waxbarashadda  Feysal Cumar Guuleed, iyo agaasimaha waaxda tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan, ayaa goob joog ka ahaa kulanka.

Mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sidoo kale madaxda jaamacaddaha sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo.

“Maanta waxaan magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxda jaamacaddaha ku yaalla gobolka Banaadir,kulankeenna waxaan diirada ku saarnay sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada dalka islamarkana loo abuuri laha wada shaqeyn dhab ah oo dhaxamrta bahda waxbarashada iyo wasaaradda,”ayuu yiri wasiirka waxbarashada mudane Cabdullahi Goodax Barre

“Arrimaha kale ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah sidii la isaga ilaalin lahaa in shahaado la siiyo qof aan xaq u lahayn, lagana fogaado in muddo ka yar afar sano in shahaado lagu bixiyo ama qof aan dugsi sare ka soo bixin loo aqbalo in uu jaamacad galo”ayuu intaasi ku daray wasiir Goodax.

Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya iyadoo kaashaneysa bahda waxbarashada waxaa markasta ka go’an tayeynta waxbarashada iyo in xirfado loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed ay looga baxo shaqa la’aanta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Martiini

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq...

Mas’uuliyiinta Hiiraan oo guddoomay deeq samofal ah oo loogu talagalay ciidanka

Mas’uuliyiin ka socday Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo odoyasha...

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle...