Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.

Kulanka, oo uu qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha saraakiisha.

Booqashada wafdiga ayaa daba socota booqashadii Wasiir Fiqi uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay dalka Pakistan, xilligaas oo ay labada dal kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.

Wasiirka ayaa bogaadiyey xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo Pakistan, isagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal uu taageero mudnaanta qaranka ee dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Qurba-joogta Soomaalida oo si wayn uga soo dhex muuqanaysa siyaasadaha Caalamka

Soomaalidii hore ee ku nooleed qurbaha waxay diirada saari...