Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay xubno ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan

Date:

Muqdisho (SNTV):- Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madax ka socota jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dhinac, horumarinta waxbarashada dalka, waxaana wafdigan hoggaamineyay guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda Afrika Dr. Muuse.

“Maanta waxaan xafiiskeyga magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socda Jaamacadda Afrika ee xarunteeda ay tahay dalka Suudaan, wafdigan waxaa hoggaaminayay  guddoomiye ku-xigeeynka jaamacadda Dr Muuse, arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ah  xoojinta xiriirka naga dhexeeya iyo sidii loo horumarin lahaa Waxbarashada”ayuu yiri wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.

Xubnahan ka socda jaamacadda Afrika ee dalka Suudaan  ayaa sheegay in ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan, ay ka go’an tahay waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in wafdiga ka socda dalka Suudaan ay u ballan qaadeen inay sii wadi doonaan deeqaha waxbarasho ee ay siiyaan ardeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay  horumarinta waxbarashada dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta macallimiiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...