Dekadda Muqdisho oo qalab casri ah oo lagu horumarinayo lagu soo kordhiyay

Date:

Muqdisho (SNTV):- Shirkada Albeyrak ee Gacanta ku heysa Maamulka dekadda Muqdisho  ayaa soo bandhigtay qalab casri ah, kaasi oo waxbadan ka tari doona socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee xamuulka sida ee ku soo xirta Dekadda magaalada Muqdisho.

Munaasabadan kooban oo lagu soo bandhigayay qalabkan cusub ayaa wax goob joog ka ahaa Wasiirka Dekadaha  iyo Gaadiidka  Badda, Wasiir ku- xigeenka Wasaaraddaasi iyo Maamulka shirkadda  Albeyrak.

Maareeyaha shirkada Albeyrak Sami Erol ayaa sheegay in qalabkaan  uu wax badan ka tari doono howlaha shaqo ee ka socda Dekadda, islamarkaan maraakiibta waaweyn ee sida Xamuulka ay ku soo xiran kaaran.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka  Badda Maryan Awey Jaamac ayaa kaga mahad celisay Maamulka Shirkada Albeyrak horumarinta ay ka wadaan dekadda Muqdisho,islamarkaan qalabkaan lagu horumarinyo howlaha Dekada.

Qalabkaan Casriga ah ayaa laga keenay magaalad  Dubai  waxaan ka howlgeli doona dhalinyaro Soomaaliyeed oo aqoon u leh  socdaalka iyo hagida Maraakiibta waa weyn ee ku soo xirta dekadda Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...