Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo Qado Sharaf u sameeyay Guddiyada Dib-u-eegsita Dastuurka Iyo Wasiirka Dastuurka

Date:

Muqdisho (SNTV):-Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa hoygiisa qado ugu sameeyay guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka.

Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka iyo guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, ayaa raโ€™iisul wasaaare Xasan Cali Khayre uga warbixiyay halka ay marayso hawosha dib-u-eegista dastuurka.

Wasiirka arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in shanta cusutub ee ugu horraysa dastuurka lagu sameeyay dib-u-eegis afarta cutub ee ku xigtana dib-u-eegistooda lasoo gebagebaynayo bishaan gudaheeda taas oo ka dhigan in 75% dastuurka dib-u-eegis lagu sameeyay, uuna rajaynayo in horraanta sannadka 2019 la gebagebaynayo guud ahaan dib u eegista farsamo ee dastuurka ku-meel gaarka ah ee dalka.

Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista dastuurka, guddiga labada aqal ee dib-u-eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka iyo wasiirka arrimaha dastuurka, u sheegay in hawla badan oo qaranka muhiim u ah ay ku xiranyihiin qabya-tirka dastuurka, sidaa darteed baahi wayn loo qabo in guddiyadu ay laba jibbaaraan dadar-gelinnta gudashada waajibaadka saaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...