Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka qeyb galay Munaasabad ay ku qalin jabinayeen shan boqol oo Arday

Date:

Muqdisho(SNTV);- Munaasabadan oo ay ku qalin jabinayeyn in kabadan shan boqol oo arday oo dhammeysatay qaar kamida kuliyadaha Jaamacadda  SIU   ayaa waxaa kasoo qeyb galay  Gudoomiyaha aqalka sare, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda waxbarashada , Maamulka jaamacadda, Waalidiin, Arday, Aqoonyahano iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha jaamacadda SIU Cismaan Macalin Xasan oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda ay jirto mudo ku siman siddeex sano,balse wuxuu sheegay in meesha iyo ahdaafta ay gaartay ay tahay meel aad u sareyso.

Wasiiru dowlaha wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in fursadaha shaqo ee dalka ka jira looga faa’ideen doono ardayda waxbaratay.

Wuxuu sheegay in Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen sharci lagu xakameynayo dadka Ajaaniibta ah ee dalka joogo,wuxuuna dhana kale tilmaamay inuu socdo qorshe lagu tirakoobayo dadka ajaaniibta ah ee dalka ka shaqeeya.

Gudoomiyaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaflada soo xiray ayaa ardayda ku booriyey ineysan caajisin oo ay waxbarashada halkooda kasii wadaan,  isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeyn Horumarka dalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare uu yahay mid hodan ah una baahan yahay keliya dhalinyaro waxbaratay oo dhexda u xirta sidii looga faa’ideysan lahaa.

Ugu dambeyn qaar kamida ardayda qalin jabisay oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa cabiray shucuurtooda ku aadan guusha waxbarasho oo ay gaareen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...