Degaanka Saddex Xiglo oo laga hir geliyay Isbitaal

Date:

Gaalkacyo-(SNTV)-Degaanka Saddex Higlo oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa shalay oo Khamiis ahayd waxaa laga hirgeliyay Cisbitaal dhammaystiran, si uu u daboolo baahiyaha Caafimaad ee halkaasi ka taagnaa.

Munaasabaddii Xarigga lagaga jaray Isbitaalka ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda maamulka Galmudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug, maamulka Sadex Xiglo iyo qeybaha Bulshada.

Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa dhamaan Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay waxay ku amaaneen Maamulka Sadde Higlo oo kaa shanaaya Bulshada sida ay ugu istaageen Hir gelinta Isbitaalkaan, kaasoo loogu adeegi doono Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug, Marwo Naciimo Maxamed Maxamuud oo munaasabadda goobjoog ka ahayd ayaa sheegtay inay ku dayasho mudan yihiin Maamulka iyo Shacabka Sadex Xiglo, Maaddaamada ay isku tashadeen.

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug Soomaaliya iyo Jaaliyadda dibedda ee degaannadaas aya dhawaanahanba waday dedaallo ay dhisayaan xarumo Caafimaad, si ay u yaraato baahida Caafimaad ee halkaasi ka jirta.

Dhawaan ayay ahayd markii degaan Qaydaro ee Gobolka Galgaduud laga furay Isbitaal bixin kara dhammaan adeegyada Caafimaad ee Dad weynaha, kaasoo ay iska kaashadeen maamulka Galmudug iyo masuuliyiinka Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...