Guddiyada dib u eegista Dastuurka & Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo Federaaleynta Dalka oo kulmay

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Guddiga dib u eegista dastuurka ee Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xalay kulan la qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta Dalka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa dib u eegista Dastuurka iyo ballaarinta hannaanka federaalaynta Dalka, waxanay iska xog wareysteen waxyaabihii u qabsoomay iyo qodobbada haatan hor yaalla.

Guddiga ayaa soo bandhigay Cilmi Baaris ay ku sameeyeen hab-raaca xudduudaha Dowlad Goboleedyada ,Degmooyinka iyo soohdimaha  Soomaaliya ay la wadaagto wadamada deriska la ah.

Guddomiyaha guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo Federaaleynta, khalliif Cabdikarin Maxamed , ayaa sheegay in kulanka laga soo saaray habka ugu wanaagsan ee lagu sameyn karo Magacaabista Degmo ama Gobol, taasi oo ku saleysan tira badnaashada Dadka, dhaqaalaha, xudduuda, iyo afti Dadweyne oo la qaado.

“waa wax loo bahanayahay in la ogaado xudduudaha Gobollada ,Degmooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya ay la leedahay Dalalka deriska ay la tahay iyadoo lagu saleynayo dastuurka Dalka ” ayuu yiri Guddoomiyhu.

Guddoomiyaha Gudiga dib u eegista Dastuurta Labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya Senetar; Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa ku amaanay Guddiga shaqada waaangsan ay qabteen, isagoo sheegay in ay soo aqrin doonaan qodobbada baarsita ay ku sameeyeen.

”Waa idinku ammaanayaa shaqada aad qabateen, waana soo aqrin doonnaa qodobbada aad soo qorteen hadii sidaan marwalbo laysku kaashado waxay wax ku kordhineysaa dhameystirka Dastuurka KMG ah”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Qorshaha dhameystirka Dasruurka KMG ayaa ah in lagu dhameystiro inta ka harsan Sanadkaan, si Dalka uu u yeesho Dastuur buuxa, si Dalka uu u galo doorasho Qof iyo cod ah 2020-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...