Wafdi ka socda dawladda Sudan oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Dawladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa sare u qaadaya iskaashiga dhinaca waxbarashada ah ee ka dhexeeya, waxaana maanta Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda wasaaradda waxbarashada Sudan.

Wafdiga ka socday wasaaradda waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalka Sudan waxaa hogaaminayay agaasimaha guud ee wasaaradaas Dr Daariq Maxamed Nuur, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey masโ€™uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Ujeedada socdaalka wafdiga ayaa ah qiimaynta heshiisyada horumarinta waxbarashada ee Sudan iyo Soomaaliya ay hore u gaareen sida ay u dhaqan galeen iyo xoojinta calaaqaadka dhinaca waxbarashada ah eek a dhexeeya labada wadan, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada dawladda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha...

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir...