Wasaaradda Waxbarashada dalka oo dib ula wareegtay xarun ay lahayd oo dad shacab ah daganaayeen

Date:

Xaruntaan wasaaradda waxbrashada hidaha iyo tacliint sare ay lahyd ayaa waxaa degnaan jiray masuuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda waxbarshada, waxaana muddo ka badan 25-sano daganaa dad shacab ah, waxaana ay ku talaa xaafadda Taleex ee degmada Hodan Gobolka Banaaadir.

Maamulka degmada Hodan ayaa ku guuleystay in ka saaraan dadkii degeenaa halkaasi  iyadoo maanta uu gudoomiyaha degmadaas Maxanmed Axmed Cantoobo uu ku wareejiyay wasaaraadda waxbarshada dalka.

Shacabkii degeenadaa  ayaa uga baxay si sharuud la’aan ah, waxaana arrintaasi ka mahad celiyay wasiirka waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare mudane C/raxmaan Daahir Cismaan.

Dowlaada Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howlan in ay dib usoo celiyaan xarumahii danta Guud, kuwaas oo lagu qaban jiray adeegayada ay u baahan yihiin bulshada qeybaheeda kala duwan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...