Gudiyada Dastuurka dalka oo warmurtiyeed soo saaray

Date:

Madasha gudiyada dastuurka ee baarlamaanada  heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa waxaa laga soo saaray war murtiyeed waxaana ka soo qayb galay siihayaha gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka soomaaliya ahna ku xigeenka kowaad ee barlamaanka abdiwali sheekh ibraahim.

Maxamuud Maxamed Ibraahin Goodir oo ah xubin ka tirsan gudiga la socodka dastuurka ayaa madasha ka aqriyay war murtiyeedka kulankii labada maalmood u socday gudiyada.

Cabdi Xasan Cawaale qaybdiid oo ah mudane ka tirsan Aqalka sare ahna gudoomiyaha gudiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka Barlamaanka Federalka Soomaliya, gudoonada labada aqal baarlamaanka fedraalka soomaaliya, dowlad goboleedyada, ganacsatada ayaa shacabka ka codsaday in ay garab ku siiyaan dib u eegista dastuurka

siihayaha gudoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka soomaaliya ahna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee barlamaanka soomaliya  Cabdiwali ibraahim sheeq muudey ayaa ka mahadceliyay howsha la qabtay isagoo dhinaca kalena kula dar daarmay inay u dhabar adeegaan dhamaystirka dastuurka

Toddobo xubnood oo ka kala socda gudiyada dastuurka dowlad goboleedyada,gudiga madaxa banaan ee hirgalinta dastuurka, gudiga la socodka dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka BFS iyo gudoomiyayaasha baarlamaanada dowlad goboleedka ayaa  Madasha ku kala saxiixday  sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen dib u eegista dastuurka oo u baahan dhameystir in lagu sameeyo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...