Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay qodobo muhiim ah

Date:

Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda.

Ugu horayn madaxda Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa gollaha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxayna sheegayn in ammaanku uu meel fiican marayo ciidamaduna ay ku howlan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa dar-dargalinta nabadda.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka warbxiyay barnaamij lagu tiro koobaya shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo fududayn doona la socodka iyo horumarinta xirfadeed ee shaqaalaha. Waxuuna Wasiirku tilmaamay in tirokoobka laga bilaabayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dibna loo gudbayo dhammaan Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladda.

Wasiir Saalax ayaa cadeeyay in shaqaalaha loo qaybin doono labo hab oo kala ah shaqaalaha ka diiwaan gashay Gudigga shaqadda iyo shaqaalaha ee dawladda iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan u diiwaan gashanayn dawladda, si loo helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha.

Ugu dambayntii Gollaha Wasiiradda ayaa ka dooday ansxinta Tubta siyaasadda ee Arrimaha Bulashada oo ay ku midaysan yihiin dhammaan hay’adaha dawladda iyo xeer mamnuucaya jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, dood iyo falanqayn dheer ka dib gollohu waxuu isla gartay in la ansixiyo labadan Hindise Sharci oo baahi badan uu dalku u qabo.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...