Wadatashigu Waa Udub-dhexaadka Nabadda Iyo Horumarka Dalka. (Faallo)

Date:

In la yeesho kulamo wadatashi ah ama kuwo xal raadin ah waa sida keliya ee loo wajihi karo khilaaf kasta oo hareeya habsami u socodka howlaha dowladdnimo,waxaana arintaasi la gaari karaa marka la helo hogmiyaal iyo bulsho mideysan oo diyaar u ah waxqabad dhab ah oo ku aadan horumarka dalka.

waxaa jira yididiillo iyo rajo wanaagsan oo u soo bidhaamaya dadka Soomaaliyeed,bacdamaa lagu guuleystay in ay isu soo dhowaadeen maamulada dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,isla markaana la xoojiyay is fahamka iyo wada shaqaynta la filan karo in ay la yimaadaan dhinacyadaasi

Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo gunaanaday kulan xasaasi ah oo looga hadlaayey,nabadgelyada dalka, Ciribtirka Argagixisada,Horumarinta hannaanka Federaalaynta,dib-u-eegista Dastuurka ,Geedi socodka Doorashada 2020,wada shaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Goboleedyada iyo qodobo kale.

Kulankaasi oo muddo todobaad ah socday waxaa ka qeybgalay Madaxda dowladda Federaalka ah,kan dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo marti sharaf kale,iyadoo gunaanadkii ay ka soo baxeen qodobbo dhowr ah oo xal u noqon kara arimaha dalka,gaar ahaan dhinacyada siyaasadda,amniga,federaalka,doorashooyinka,dib u eegista dastuurka iyo mashaariicda Horumarineed iyo Gargaarka Bani’aadan.

Khudbadihii ay gabagabadii kulankaasi wadatashiga ah ka jeediyeen madaxda dalka heer federal iyo heerdowlad goboleed ,waxaa ka muuqda in meel qura looga soo wada jeestay sidii loo samatabixin lahaa dadka iyo dalka Soomaaliya,isla markaana loo gaari lahaa horumar taam ah oo dhinacyo badan.

In meel la iska dhigo khilaafka gaarka ah ,loona gudbo midnimo dhab ah oo lagu wada shaqeeyo ,waxa uu ahaa qodobka kaliya ee ay daneynayeen bulshada Soomaaliyeed oo u ooman nabad iyo kala dambeyn laga hirgaliyo guud ahaan dalka.

Kulamada Wadatashiga ah ee xilligaan,waxa ay qeyb ka yihiin barnaamijyada wax ku oolka ah ee kor loogu qaadayo rajada  dadka oo in muddo ah ka dhursugayey horumar guud, gaar ahaan soo celinta sharaftii dadka iyo dalka.

Kulankaan wadatashiga ah ayaa ku yimid biseyl ay la yimaadeen hogaamiyaasha dalka, kadib kolkii la is-tusay in laga gudbo caqabadaha iyo turaanturooyinka wiiqi kara  geedi socodka arimaha dalka.

Go’aamadii ka soo baxay shirka wada tashiga oo lahaa ahmiyad gaar ah,waxaa lagu dhameystiray dodo iyo khilaaf kooban oo muddo horyiillay dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada,iyadoo wadatashiggoodu uu ka muuqday  soo afjaridda wax kasta oo ragadin kara arimaha dalka iyo habsami u socodsiinta  howlaha ku saabsan xaga hiigsiga cusub .

Inta badan shirarka wadatashiga ah, waa kuwo u dhacay  si wanaagsan  oo qorsheysan,mana jirto cid si gaar ah loogu xushmeeyay in ay sad-buursi ku sameyso ujeeddada iyo go’aanada saameeya masiirka umadda Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayaa u arka isfahamka  dhabta ah ee dhexmaray dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada in uu yahay tallaabo horumar ah oo loo qaaday xalka Soomaaliya.hasayeeshee waxaa la isweydiiyay ama shaki laga muujiyay halka uu ku dambeeyay kaalintii iyo maqaamkii caasimadda dalka ay ku laheyd shirarka wadatashigga ah.

 

W/Qoray Shire Xasan Kulmiye

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...