Ku Simaha Raโ€™isulwasaaraha Soomaaliya Oo Muqdisho Kula Kulmay Fanaanadda Maryan Mursal Ciise

Date:

Raโ€™isulwasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Raโ€™isulwasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay fanaanadda Soomaaliyeed ee Maryan Mursal Ciise Bootaan oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Raโ€™isulwasaare ku xigeenka Dalka waxaa kulankiisa ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan โ€œEng Yariisoowโ€ waxaana ay si wadajir ah ugu soo dhoweeyeen fanaanadda magaalada Muqdisho.

Fanaanadda Soomaaliyeed Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid aheyd fanaaniinta Qaranka ee hobollada Waaberi ayaa dhowaanahan ku sugneyd Soomaaliya waxaana ay maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.

Kulanka uu ku simaha Raโ€™isulwasaaraha Dalka la qaatay fanaanadda Maryan Mursal ayaa ah mid lagu dhiiri gelinayey socdaalka ay maalmahan ku mareysay deegaanno ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...