Wasiir Cabdi Xoosh iyo Amb Francisco Madeira oo kulmay

Date:

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, kulanka oo ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Maxamed Abuukar Zubeeyr.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen taageerada AMISOM ee Dowladda Federaalka, si ay guul ugu soo dhamaadaan wadatashayida qorsheysan ee baaxadda leh ee ka dhici doona dhamaan gobollada dalka kuwaasoo ku saabsan Dastuurka.

AVV Xoosh ayaa Danjire Madeira u sheegay in Dowladda Federaalka ay rajeenayso taageero ay ka hesho Midowga Afrika oo ku aaddan dhameeystirka Dastuurka.

“Midowga Afrika waxa ay qiimo badan ku bixiyeen xasilinta Soomaaliya, aad ayaanna uga mahadcelinaynaa arintaa, taageerada dhanka amniga ah oo kaliya ma xallin karaan dhibaatooyinka aan qabno, waxa aan ka rajeenaynaa in Midowga Afrika ay naga taageeri doonaan kulamada wadatashiga Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo ka qabsoomi doona dhamaan deegaanada dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, Wasiir Xoosh ayaa u sheegay Danjire Madeira in dib-u-eegista Dastuurka lagu soo gaba-gabeeyn doono muddo labo sanno ah, taasoo ku suurtageli doonta wadatashiyo ballaaran oo la la yeesho shacabka Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...