Golaha Shacabka JFS oo ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Date:

kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha sharciga Isgaarsiinat dalka.

Mudanayaasha Golaha Shacabka  ayaa intaasi kadib ansixiyay sharciga Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo 158 xildhibaan ay ogolaatay, halka 1 Xildhibaan uu diiday.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday oo shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqey in uu sharcigaasi uu yahaya ansxa.

“158 xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 1 Xildhibaan uu diiday, sidaasi daraadeed sharciga Isgaarsiinta dalka waa ansax”, Sidaasina waxaa yiri C/weli Muude.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya ayaa waxaa horyaala ajendayaal dhowr ah iyagoo islamaanta ka hadlaya su’aal weydiin ku aadan warbixinada sharciga 112aad ee shaqada, arrimaha dibadda iyo deegaan-doorasheedka dalka oo xildhibaanada laga soo doortay waxyaabihii ay kala soo kulmeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...