R/Wasaare Khayre “Hawada dalkeena In ay Maamulaan Dhalinyaro Soomaaliyeed waa astaan muujineysa soo celinta Qaranimada”

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda J.F.S Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galay kulan ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, oo la tashi lagula yeelanayay Wasaaradaha Gaadiidka ee Maamullada dalka. Waxana muhiimadda kulankani ahaa sidii qorshe mideysan iyo shuruuc hagta loogu sameyn lahaa nidaamka gaadiidka ee dalka, gaar ahaan Shatiyada iyo Taargooyinka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ku dheeraday qorshayaasha ballaaran ee horyaal wasaaradda iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo nidaam ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda iyo maamullada dalka. Wuxuna sidoo kale tilmaamay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ay xukuumaddu ku guuleystay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hawada dalka oo muddo badan ay maamulayeen shariikado shisheeye. Isla markaana dib loo howgeliyey shaqadii garoonka Muqdisho xiliyada habeenkii ah.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ku ammaanay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, sanado badan ka dib inay helaan dadka Soomaaliyeed habeen iyo maalin fursad ay dalkooda uga dhoofi karaan una imaan karaan, maadaama ay sii kordhayaan baahida ay dadku u qabaan adeegyo habeen iyo maalin shaqeynaya, lana dhameystiri doono wax yaabaha ka dhiman.

Mudane Khayre ayaa sheegay in soo celinta maamulka hawadeena ay noqoneyso guul weyn iyo tallaabo horey loogu qaadey midnimada dalka iyo madaxbanaanida, balse ay weli baylah tahay baddii Soomaaliya oo ay waardiye ka haystaan Maraakiib shisheeye iyo kaluumeysiga sharci darrada ku haya Soomaaliya, loona baahan in la sameeyo nidaam iyo shuruuc lagu ilaaliyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri; “Hawada dalkeena in ay maamulaan dhalinyaro Soomaaliyeed waa astaan kamid ah soo celinta Qaranimada ummada, haddii aad tihiin Wasiiradii dawladda dhexe iyo kuwa maamullada dhamaantiin waxaad matashaan shacabka Soomaaliyeed”.

“Tallaabo walba oo aad qaadaan waa in ay noqotaa mid ay dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed. Waa inaan hankeena kor u qaadnaa oo la tartanaa wadamada kale ee caalamka, sidii hore waan ku daalnay, waa in markaad joogtid gobolkaaga aad ogaatid waxa kaliya ee horumar lagu gaari karo in ay tahay kuligeen inaan oognaa Soomaalinimada”ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

Maamulka hawada sare ee Soomaaliya oo dhawaan ku soo wareegay gacanta dawladda. waxaa ilaa iyo dawlad bur-burkii laga maamulayay magaaladda Niarobi ee caasimadda kenya, waxaana gacanta ku haysay hay’adda Caalamiga ee hawada sare u qaabilsan Qaramada midoobay ee ICAO, oo xarunteedu tahay magaaladda Montreal ee dalka Canada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...