Kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Ururada Bulshada Rayidka Jubbaland oo Kismaayo ka dhacay

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hannaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland. Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, culumada, haweenka, dhaqanka, iyo dhalinyarada Jubbaland.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa ku tilmaamay kulanka wadatashiga ee Kismaayo ka dhacay in uu ahaa tallaabo horey loogu qaaday xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda iyo Jubbaland.

“Runtii farxad wayn bay noo tahay in aan maanta kulan wadatashi ah ku qabano Kismaayo, waxa aan u nimid in aan ra’yigiina dhageeysano; Waa tallaabo kale oo ay Wasaardda horey u qaaday si aan wadashaqayn joogta ah u la yeelanno dawlad goboleedka Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale AVV Cabdi Xoosh isago oo ka hadlayay Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayuu yiri “Micanaha Dastuurka waa heshiis bulsho, sidaa awgeed waxa aan donaynaa in aan bulshada rabitaankooda ku hogaaminno Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka ee sanadkan ka bilaabmi doona dalka”.

Dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa talooyinkooda ku saabsanaa Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuuka la wadaagay Wasaaradda.

Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa ballanqaaday in kulamada wadatashiga ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada dawlad goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...