Wefdi Seychelles ka socday oo soo gaaray dalka

Date:

Wefigan ka socda jaziiradda Seychelles  ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxaa hogaaminaya wasiiru dowlaha arimaha dibadda, waxayan la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya

Kulankan ay wada yeesheen R/wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee jaziiradda seychelles,  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, wasiirka Kalluumaysiga khayraadka Badda, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Masuuliyiin kale, waxaana kulanka diiradda lagu saaray Xoojinta Xiriirka Labada dowladood Arrimaha la xariira Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Seychelles iyo la dagaalanka Burcad Badeeda.

Barry faure Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee Seychelles  oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen dhammaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya C/qaadir Axmed Khayr sheegay in dowladda ay xoogga saarayso dib u soo celinta maxaabiista ku xiran Seychelles  iyo dalalka kale.

Bilowgii Bishan Luulyo ayaa R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Seychelles,iyagoo ka wada hadlay arrimaha maxaabiista Soomaalida isla markaan heshiis is afgarad ah ku kala saxiixday halkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...