Wasiirka Dastuurka oo la kulmay Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Jubbaland

Date:

Wafidi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islmaam (Axmed Madoobe).

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uga warbixiyay ujeedka safarka wafdiga uu hogaaminayo ay ku soo gaareen Kismaayo.

“Mudane Madaxweyne marka ugu horeeysa waan kaaga mahadcelinayaa kulankan aad nala yeelatay, marka xigta waxa aan u inimid in madaxda iyo shacabka ku nool deegaanada Jubbaland aan ka tala gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegista Dastuurka, waxa aan doneynaa in aan bilaawno Geedi-socodka dib loogu eegayo Dastuurka oo aan ka shaqeyneyno in ka qaybgalkiisu uu noqdo mid loo dhanyahay”.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku ammaanay Wasiirka iyo wafdigiisa sida ay u go’antahay in arin walba oo ku saabsan Dastuurka laga talageliyo dawlad goboleedyada iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wafdiga Wasiir Xoosh ayaa la kulmay Gudoomiyaha, Gudoomiye ku-xigeennada, iyo Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Jubbaland, iyaga oo kawada hadlay sidii Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka uu u noqon lahaa mid lagu galo qorsho diyaarintiisa loo dhanyahay.

Gebagabadii, AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa Baarlamaanka Jubbalanad ka codsaday in ay Wasaaradda kala shaqeeyaan Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...