MUQDISHO-JUUN-20-6-2022-:Taliska ciidanka booliiska nabad galyada wadooyinka gobalka Mudug ayaa sheegay in ciqaab adag ay la kulmi doonaan gaadiidka lagu qabto iyagoona wadan taraakiida aqoonsiga ee heer dowlad gobaleed iyo mid fadaraalba.
Taliyaha qeybta shilalka iyo sharciyada ciidanka nabad galyada wadooyinka Magaalada Gaalkacyo mustaf cali cilmi oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaana ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay ciqaabta ay la kulmayaan ciddii u hogaansami weysa amarka kasoo baxay taliska ciidanka nabad galyada wadooyinka gobalka mudug.