Guud ahaan Degmooyinka iyo deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta looga Fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee Fassalada 8aad ee dugsiga dhexe Sanad dugsiyeedka 2021-2022, waxaana Magaalada Dhuusamareeb imtixaanka ka daah furay Mas’uuliyiin katirsan qaybaha kala duwan ee hey’addaha dowlada oo ay ugu horeeyaan madaxda Wasaaradda Waxbarashada Galmudug.
22-xarumood oo ku kala yaal 12- degmo oo katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayay imtixaanka maanta ugu fariisteen Ardayay dhan 3,382 oo noqonaya kuwo kasoo muuqda sanadkii 4-aad ee imtixaanka 8-aadka ay qaado wasaaradda Waxbarashada Maamulka Galmudug.