Roobka gu’ga oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo katirsan puntland.

Date:

Roobka gu’ga ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaanno kala duwan oo ka Kala tirsan Gobollada Mudug, Nugaal, Sool iyo Cayn.

 

Roobabka ugu badan ayaa ka da’ay xalay ilaa saakay Mudug iyo Sool, waxaana sida la sheegayo magaalooyinka roobsaday kamid ah Gaalkacyo iyo Laascaanood.

 

Gobolka Nugaal, waxaa degaannada qaarkood laga soo sheegay Roobab biya dhig ah, balse magaalada Garoowe kama di’in.

 

 

Sidoo kale, Hawdka Gobolka Cayn ilaa Gobolka Doollo ayuu ka da’ay Roobkaan kaas oo la soo wariyey in biyo badan uu dhigay deegaano abaarta sameen ku yeelatay.

 

Robkaan Gu’ga ee ka curtay qeybo badan oo kamid ah deegaanada puntland iyo qeybo kale oo katirsan dalka ayaa yimid iyadoo abaaro baahsan ay ka jirto dalka kuwaas oo dadka iyo duunyada Saameen ku reebtay.

 

 

Shalay ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaanbilsan Arimaha Abaaraha ayaa sheegay in dad gaajo iyo macluul darted ugu geeriyoodeen gobolka Gedo ee koonfurta Soomaliya.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...