Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

Date:

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim, oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum), ayaa ka hadlay muhiimadda horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo warbaahinta dowladda, lagu tayeynayo wariyaasha iyo lagu xoojinayo xeerarka muhiimka u ah warbaahinta.

“Dowladdu waxay qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo Warbaahinta Dowladda, tayeynta wariyaasha iyo ka shaqeynta xeerarka muhiimka u ah Warbaahinta,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay horumarro kala duwan ka gaartay ka qeybqaadashada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, xiritaanka baraha warbaahinta ee lagu faafin jiray wararka iyo dacaayadaha been abuurka ah, iyo mideynta farriimaha dowladda.

“Warfaafinta Dowladda waxa ay maanta qeyb ka tahay qorshaha isbeddelka qaranka, taas oo muujineysa in xiriirka dowladda iyo daweynuhu yahay qiime muhiim ah oo kamid ah dowlad-dhiska iyo horumarinta hay’adaha qaranka,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Waxa uu intaas ku daray in la xoojiyay Guddiga Hagidda Warbaahinta Dowladda, lana horumariyay isku-duwidda xafiisyada warbaahinta ee hay’adaha dowladda, iyadoo sidoo kale la xoojiyay nidaamka is-dhaafsiga macluumaadka iyo mideynta farriimaha dowladda.

Wasiir Cabdulfataax ayaa sidoo kale xusay in Golaha Wasiirradu sanadkii 2022 ansixiyay habraacyada warbaahinta iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, kuwaas oo looga gol leeyahay xoojinta isku-duwidda iyo hubinta in bulshada la gaarsiiyo xog sax ah oo waqtigeeda ku habboon xilliyada ay dhacaan dhibaatooyinka iyo xaaladaha degdegga ah

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...