Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Warbaahinta 2026 (SCF2026) oo ay qabanayso Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XJFS. Mudane Jibriil ayaa ka hadlay muhiimadda ay Warbaahintu u leedahay dowlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo horumarka Dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Warbaahinta Soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan, balse sannadihii u dambeeyay ay sameysay horumar muuqda, gaar ahaan kobaca warbaahinta casriga ah, tayada wax-soo-saarka, adeegsiga Baraha Bulshada iyo soo bixitaanka jiil cusub oo isugu jira suxufiyiin iyo hal-abuurayaal.

“Warbaahintu waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka. Warbaahin xor ah, xirfad leh oo lagu kalsoonaan karo waxay bulshada gaarsiisaa xog sugan, waxay xoojisaa isla-xisaabtanka, waxayna dhistaa kalsoonida ka dhexeysa Dowladda iyo shacabka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Mudane Jibriil ayaa bogaadiyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo guddiga qabanqaabada Madasha, isagoo ka qeybgalayaasha ku dhiirrigeliyey in doodaha iyo aragtiyada laga dhiibto Madashu ay ka soo baxaan talooyin iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo horseeda horumar ku yimaada guud ahaan Warbaahinta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...