Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu soo gabagabeeyay hawlaha dayactirka iyo dib-u-habaynta Xarunta Cumar Bin Khaddaab ee Daryeelka Agoonta. Hawshan ayaa qayb ka ah mashruuca Dayactirka iyo Taageerada Xarumaha Daryeelka Agoonta iyo Awood-siinta Dhaqaale ee Qoysaskooda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mashruucan waxaa maalgelinaya Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimo, waxaana fulinaya Mu’assasada Mahaasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Baay ee Arrimaha Samafalka, Mudane Aadan Xasan Maxamed, Mudane Maxamed Yaasiin Cabdu-Waaxid oo ah Guddoomiye iyo Maamule ka tirsan xarunta agoonta, iyo masuuliyiin kale.
Intii ay munaasabadda socotay, carruurta agoonta ah ayaa loo qaybiyay boorsooyin waxbarasho oo ay ku jiraan agabka iyo qalabka waxbarashada. Sidoo kale, ardayda ayaa la guddoonsiiyay dharka iskuulka, taas oo qayb ka ah taageerada waxbarashada iyo abuurista jawi ku habboon waxbarashada carruurta ka faa’iideysanaysa mashruuca.
Mashruucu wuxuu ujeedkiisu yahay wax ka qabashada caqabadaha nololeed iyo waxbarasho ee haysta carruurta agoonta ah iyo qoysaskooda, iyadoo la hagaajinayo deegaanka ay ku nool yihiin kuna wax bartaan, lana siinayo xarumo ammaan ah oo si wanaagsan loo diyaariyay. Sidoo kale, mashruucu wuxuu xoojinayaa awoodda dhaqaale ee qoysaskooda.
Mashruucu wuxuu ka kooban yahay dib-u-habaynta iyo qalabaynta afar xarumood oo daryeelka agoonta ah, kuwaas oo ku kala yaalla Dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, iyo Gobolka Banaadir.
Hawlaha mashruuca waxaa ka mid ah dayactirka xarumaha iyo adeegyada aasaasiga ah, dib-u-habaynta iyo qalabaynta jikada, bixinta qalabka badbaadada iyo dab-demiska, diyaarinta cuntada maalinlaha ah, iyo qalabaynta qolalka jiifka oo lagu diyaarinayo furaashyo iyo sariiro ku habboon.
Mashruucan waxaa ka faa’iideystay 905 carruur ah oo agoon ah, iyadoo sidoo kale taageero dhaqaale la siinayo 200 hooyo oo mas’uul ka ah qoysaska agoonta ah.
Hooyooyinkan waxaa la siinayaa tababarro ku saabsan xirfadaha aasaasiga ah ee tolidda dharka, waxaana lagu qalabeynayaa mashiinnada dharka lagu tolo iyo agabkooda, si ay u helaan xirfad iyo il dhaqaale oo ka caawisa daryeelka iyo masruufka qoysaskooda.
Mashruucani wuxuu qayb ka yahay dadaallada bani’aadannimo iyo horumarineed ee lagu taageerayo dadka iyo qoysaska aadka ugu baahan gargaarka ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta daryeelka, waxbarashada iyo badbaadada carruurta agoonta ah, iyo sidoo kale xoojinta isku-filnaanshaha dhaqaale ee qoysaskooda.










