Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Daah furay Kulan ka doodis iyo soo bandhigid ah oo ku aadan Miisaaniyad Sanadeedka 2021+(SAWIRRO).

Date:

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid ayaa xarunta Madaxtooyada Galmudug ka daahfuray kulan ay soo agaasintay wasaaradda maaliyadda Galmudug kaasoo ku saabsan soo bandhigidda, iyo ka doodidda miisaaniyad sanadeedka 2021.

Kulanka oo lagu casuumay dhammaam wasaaradaha DGM, iyo Hay,adaha madaxa- banaan ee Galmudug Sida Garsoorka, Hanti- dhowrka, & Hay’adda shaqaalaha Rayidka,
Ayaa si qoto dheer loogu gorfeeyey kutalagal sanad miisaaniyadeedka 2021 iyagoona dhinacyadu ay ku biiriyeen aragtidooda.

Wasaaradda maaliyadda Galmudug ayaa ku dadaashay helida hanaan maaliyadeed oo leh isla xisaabtan iyo hufnaan kaasoo la jaanqaadaya hab dhiska caalamiga ah ee maareynta maaliyadda Public Finance Management (PFM)

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Ciid ayaa ku amaanay wasaarada maaliyada Galmudug doorka aay ka qaadatay hanaanka maaliyadeed ee Galmudug sidoo kale waxa uu wasaarada maaliyada ku amray in wasaaradaha DGM, aay helaan miisaaniyada loo qoro si loogu fudeeyo howlaha wasaadaha DGM.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...