Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM

Date:

-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed, ayaa kulan la yeeshay George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimada ee Soomaaliya.

 

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in Hay’adda SoDMA, hay’adaha samafalka, Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyadu ay sameeyaan iskaashi iyo dadaal isku-duwan, si loo ilaaliyo bulshada nugul loona yareeyo saameynta fatahaadaha.

Waxaa sidoo kale xoogga la saaray in la qaadayo. tallaabooyin hore (Early Action) iyo gurmad la sii qorsheeyo (Anticipatory Action) si loo yareeyo khasaaraha fatahaadaha ka hor inta aysan dhicin.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa hoosta ka xariiqay in wadajir lagu yareyn karo khataraha la saadaalinayo, loona baahan yahay isku-duubni degdeg ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...