Barlamaanka Hirshabeelle oo meelmariyay waxka badalka muddo xileedka Barlamaanka iyo xukuumadda+(SAWIRRO).

Date:

Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 10-aad ee baarlamanka dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa maanta ka qabsoomay caasimada Hirshabelle ee jowhar

Kulanka oo uu shir guddoominayey gudoomiyaha baarlamanka Hirshabelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane Mahad Xasan Cisman ayaa ajandahiisu ahaa U codeynta wax ka bedalka Mudo Xileedka Hay’addaha Ddastuuriga dowlad Goboleedka Hirshabelle maadama xildhibaanada wax ka badal ku sameeyeen Qodobada 33-Aad iyo 50-aad ee dastuurka dowlad goboledka Hirshabelle oo ka hadlaaya Muddada maarlamanka iyo madaxtooyada.

Xoghayaha guud ee golaha ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyey qodobada Dastuurka dowlad goboleedka Hirshabelle oo Ka hadlaaya awoodaha Baarlamaanka dowlad Goboledka Hirshabelle

Sidoo kale gudoomiyaha baarlamanka ayaa Xildhibaanada ayaa faah faahin ka siiyey qodobada dastuurka ee mudan in wax ka badalka lagu sameeyo

Intaas ka dib xildhibaanada ayaa gacan taag ku ansixiyey in Mudo xileedka Hay’addaha dastuuriga dowlad goboledka Hirshabelle oo awal ahaa 4 sano laga dhigo 5 sano.

Gudoomiyaha baarlamanka Dr. Cabdixakim Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay Natiijada Codeynta,waxaana codeysay 70 xildhibaan iyadoo ay  ogolaatay 66 xildhibaan,waxaa diiday 3 xubnood halka 1 ruuxne uu ka aamusay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...