Soomaaliya oo ka qaybgashay Shir Goboleedka Wasaaraddaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada Maaliyadda

Date:

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya Mudane Liban Obsiye, ayaa magaalada Salvador ee dalka Brazil uga qaybgalay Shir Goboleedka Wasaaradaha Maaliyadda ee Arrimaha Cimilada, oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin iyo khubaro ka kala socday dalal Afrika iyo Koonfurta Amerika.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga khibradaha iyo fursadaha lagu xoojin karo abaabulka iyo maalgelinta wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada, iyadoo sidoo kale laga hadlay caqabadaha dalalku ay kala kulmaan helitaanka maalgelinta cimilada.

Intii uu socday kulanka saddexda maalmood ah, waxaa looga hadlay habab kala duwan oo lagu heli karo maalgelinta cimilada, oo ay ka mid yihiin dakhliga gudaha, Iskaashiga Dowladda iyo Ganacsiga Gaarka loo leeyahay (PPP), maalgelinta khataraha.

Agaasimaha Sanduuqa Cimilada Qaran, Liban Obsiye ayaa dalalka iyo Hey’addaha kala duwan ee shirka ka qeybgalay la wadaagay khibradda Soomaaliya ee maalgelinta cimilada, isagoo iftiimiyey guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo baahida loo qabo in maalgelinta si wax-ku-ool ah loogu jiheeyo dalalka nugul ee ay si weyn u saameeyeen isbeddelka cimiladu.

“Soomaaliya oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, waxaan fursad u helay inaan la wadaago khibraddeenna, guulaheenna iyo caqabadaha naga haysta maalgelinta cimilada.

“ Waxaan sidoo kale sharaxay sida ay Dowladda iyo Bulshadu si wadajir ah uga qayb qaataan xoojinta adkeysiga iyo dhisidda mustaqbal waara.” Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye.

Shir Goboleedkaan, ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, hal-abuurka iyo wadaagista khibradaha si loo kordhiyo maalgelinta iyo xalalka waara ee wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay isdhexgalka heer Gobolka iyo is -is-weydaarsiga khibradaha ku saabsan Cimilada Cagaaran iyo maalgelinta.

Waxaa shirkaan oo ah meertada 2-aad si wadajir ah u soo qabanqaabiyey Hey’adda Horumarinta Faransiiska, Wasaaradda Maaliyadda ee dalka Brazil, Bangiga Horumarinta Koonfurta America (IDB), iyo Machadka Dhaqaalaha Cimilada (Institute for Climate Economics).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...