Ayax aad u badan oo ku degey dhul beereedka degmada Xuddur+(SAWIRRO).

Date:

Beeraleyda Degmada Xuddur ayaa saaka waaberigii ku kalahay Beeraha oo ku waabaristay Ayaxa farabadan oo shalay galabtii ku soo degay,  kaa soo dhibaato ba’an u geystay dalagyadii kala duwanaa ee ay rajeynayeen beeraleyda inuu u soo go’o bilaha soo socda.

Majirto qaab looga hortagayo ama looga kiciyo Ayaxa dhulka uu ku soo degay, hase ahaatee beeralayda ayaa sameynayey isku dayo ay ku doonayeen inay Ayaxa kaga dulqaadaan beerahooda, kuwaasi oo ay ka mid ahayd in ay durbaan ku garaacaan, dab ku shidaan, ciid ku shubaan oo ku qayliyaan, taasoo waxba looga qaban karin mar hadduu Ayaxu ku dul dego beeraha.

Beeraleyda qaar ayaa dib isaga soo laabtay guryahooda, ka dib markii ay karaja beeleen dalagii beeraha ugu yaalay.

Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Koonfur galbeed ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa ayaa tilmaamay in  Ayaxa uu saameen ba’an ku yeeshay dalagii ka soo go’I laha beeraha.

Maamulka gobolka Bakool oo kormeerey  beeraha maanta uu ku degey Ayaxa oo warbaahinta lahadlay ayaa fariin u direy Madaxda dowlad gobleedka koonfur galbeed, dowlada Federaalka iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay u soo gurmadaan beeralayda gobolka oo sanadkaan intooda badan wixi ay tacbadeen uu latagay Ayaxa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...

Guddoomiyaha BFS oo dhambaal hambalyo ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee Boqortooyada Baxrayn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...