Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Askari lagu helay fal kufsi ah.

Date:

Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacayย  degmada Wadajir.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa heyโ€™adda dambi barista Boliiska CID.

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo diiย  waan geliyay qiraalkii ka dhashayย  horgeyntiisa Maxkamadeed.

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

Intii ay socotay Maxkamadeyntaย  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftayย  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

Qareenada u dooday eedeysanahaย  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ayย  kula macaamilaan ย ehelka dhibanaha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ย guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...