Switzerland oo ogalaaneysa kulamada dadka badan, xilli uu wali jiro Covid-19.

Date:

Isu imaatinka dad ka badan 1,000 qof ayaa la ogolaan doona dalka Switzerland, laga bilaabo maanta taas oo qayb ka ah qorshaha dowladda ee lagu qafiifinayo xayiraadaha saaran dalka ee lagu soo rogay si loo yareeyo fiditaanka cudurka-19.
In kasta oo dadka laga helayo fayraskan ay sii kordhayso caalamka, haddana dowladda Switzerland ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dhacdooyinka dhaqanka iyo ciyaaraha la ogolaan doono inay sii socdaan, iyaddo laga taxadaraayo nadaafadda guud iyo xeerka kala fogaansha dadka.

Tan iyo bishii luulyo ee sanadkan waxaa kordhaayey kiisaska cudurka Covid-19 ee laga diwaan galinayey gudaha Switzerland, taas oo aan lamid ahayn sida dalalka France iyo Spain, qaar kamid ah goboladda dalka Swiss ayaa si weyn uga soo kabtay xanuunkan, iyadoo ay barbar socdeen in la furo dukaanada lagu iibiyo Af-xirka iyo in dib loogu laabto xarumaha kale ee ganacsiga.

Dowladdu waxay ku adkeysanaysaa tallooyinka in isu imaatinada ballaaran ee munaasabadaha inay sii socon karaan sida ciyaaraha kubadda cagta, ciyaaraha xeegadda barafka, riwaayadaha iyo bandhigyadda kala duwan, garoomadda saddex meelood labo meel ayaa loo ogolaanayaa taageerayaasha iyagoo xiran maaskaro ama waji xir.
Maamullada caafimaadka ee maxalliga ah ayaa mamnuici kara dhacdooyinka iyo munaasabadaha kala duwan haddi ay maleeyaan in halis weyn ay jirto, dowladda ayaa ku doodaysa kadib bilo xayiraado ah in dadka iyo dhaqaaluhuba u baahan yihiin inay kulamada caynkan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...