AFRICOM oo ku baaqday in la dardargeliyo hawlgalada ka dhanka ah Al-shabaab (WARBIXIN)

Date:

1 October sanadkii 2008 ayaa si rasmi ah loo saldhigay taliska ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika kaas oo la yiraahdo AFRICOM.

Taliskan oo ku yaala dalka Jabuuti ayaa shaqadiisu tahay la dagaalanka kooxaha argagaxisada ee qaarada Afrika .

Dalkeena Soomaaliya oo ay ka jirto kooxda ugu weyn Afrika ee al-Qaacida xiriirka la leh oo ah nabad diidka Alshabaab ayaa Mareykanku ka fuliyaan howl galo lagu dhabar jabinayo Alshabaab iyaga oo kaashanaya ciidanka Soomaaliya

Laga soo bilaabo 2008 markii taliska la dhisay waxaa duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo weerarada gaarka ah ee ka dhacay Soomaaliya lagu dilay 1,364 kooxda Alshabaab ka tirsan .

Alshabaabka la dilay waxaa ku jira madax isugu jirta Soomaali iyo ajaaniib.

Heyadaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in ilaa 53 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Taliska AFRICOM waxa uu sheegay in eedeymaha ururada xuquuqda aadnaha aanay sax ahayn oo ay iyagu ogiyihiin dhimashada 11 qof.

Dhanka Mareykanka waxaa howlgalada Soomaaliya kaga dhintay 2 askari waxaana kaga dhaawacmay lix kale .

Taliska 12 jirsaday ee Mareykanka waxay sheegeen in ay sii wadayaan burburinta kooxaha argagaxisada ah iyaga oo kaashanaya wadamada Afrika oo ay saaxiibka yihiin.

Waxay sheegeen in ay ka shaqeynayaan nabada iyo xasiloonida ayna ka go’an tahay xoojinteeda.

W/Q: M M Dhorre.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...