Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Batroolka iyo macdanta oo Kormeeray Isbitaalka Guud ee Baardheere+Sawirro

Date:

Muqdiaho(SNTV):-Wasiir ku xigeenka Wasaarada  Batroolka iyo macdanta Xukumadda Somalia Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Hilaal iyo masuuliyin uu hogaaminayay qaybna ay ka ahaayeen kuwa  ka tirsan Maamulka Gobalka  Degmada Baardheere iyo masuuliyin kale ayaa maanta kormeer ku tagay Ispitaalka Guud ee Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Masuliyiinta ayaa mid mid usoo maray dhamaan qaybaha uu ka gooban yahay Cisbitaalka Baardheere ee Gobalka Gedo iyagoona Howl wadeenada i ka xogwaraystay baahida ka jira  iyo bukaanada jiifa.

Agaasimaha Ispitaalka Guud ee Degmada Baardheere Maxamed Cabdulaahi Haashi ayaa masuliyinta uga warbixiyay baahida ka  jirta iyo sido kale caqabadaha so wajaha madaama ay haatan ka jirto marxalad adag.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobalka Gedo mudane Cusman Nuur xaaji ayaaa dhankisa wasiirka iyo masuliyinta kale warbixin ka siiyay xaaladaha Caafimaad daro ee guud ahaan  Gobalka Gedo.

Cabdiqaadir Maxamud Hilaal wasiir ku xigeenka Wasaarada batroolka  iyo Macdanta Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaaday in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin wax ka qabashada xaaladaha Caafimaad ee Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

“Ka dowlad ahaan waxaan diyaar u nahay inaan wax ka qabano xaaladaha soo wajahay guud ahaan Gobolka Gedo gaar ahaan Magaalada Baardheere ee uu saameeyay fatahaada wabiga Jubba kaasi oo ay ka dhasheen Xaalado isugu jiro Caafimaad daro iyo kuwa kale ee bini aadanimo”sidaas ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka soomaaliya Cabduqaadir Maxamuud Hilaal.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay gobolka Sh/hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa...

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....