Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin iyo baraarujin bulsho ah oo ka dhacay xarunta degmada Shingaani ee Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray U-diyaar-garowga munaasabadaha Todobaadka Xorriyadda, Bilic-soo-celinta iyo Adkeynta amniga.

Kulanka oo ay sidoo kale kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Ku-xigeenkiisa Arrimaha Bulshada, Xildhibaano, Agasimayaal, Waxgarad iyo marti sharaf kale, ayaa shacabka lagu boorriyay inay si weyn uga qayb qaataan dabaal-degyada toddobaadka xorriyadda, iyadoo la xusay muhiimadda ay leedahay muujinta midnimo, waddaniyad iyo taageerada horumarka dalka.

Kulanka oo guudmar ku sameeyay dib-u-dhiska iyo bilic-soo-celinta degmada Shingaani, oo ay mashaariic ka socdaan dhammaan waddooyinka degmada, halka xarunta degmada dib loo dhisay, ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan qurxinta degmada iyo dayactirka guryahooda si loo xoojiyo bilicda degmada qadiimiga ah.

Dhanka kale intii uu kulanka socday ayey bulshada degmada Shingaani billad-sharafeed waxa ay ku guddoonsiiyeen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo dib-u-dhis ku sameeyay xarunta Maamulka degmadaasi tan iyo burburkii.

Odayaasha deegaanka ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin wax-qabadka muuqda iyo hoggaaminta himilada ku dhisan ee Dr. Muungaab, oo ay ku ammaaneen in uu si cadaalad ah ugu adeegayo bulshada Caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...