Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka tacsiyadeeyey geerida Qoraa Aways Shiino

Date:

Muqdisho(SNTV):-Alle ha u naxariistee, waxaa maanta oo Isniin ah ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, qoraaga Aways Xuseen Xasan(Shiino) oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Soomaaliya.

Cabdi Canshuur Xasan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dawladda Federal-ka Soomaaliya, ayaa bartiisa Facebook qoraal uu dhigay, ku sheegay in uu aad uga naxay geerida Marxuum Aways Shiino.

“Allaha u naxariistee Marxuum Aweys waxa uu muddo dheer ka soo shaqeeyey qeybaha kala duwan ee Wasaaradda. Waxa uu ka mid ahaa khuburada aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ugu shaqeeyey dalka marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, waxa aan ku xasuusan doonnaa marxuumka howl-karnimo, daacadnimo iyo dulqaad badan”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in Marxuumka uu ahaa Qoraa aqris badan oo hibo u lahaa curinta iyo turjumaadda qoraallo iyo sheekooyin saameyn badan ku yeeshay nolosha aqristayaasha xilligii uu ka tirsanaa Wasaaradda Warfaafinta.

“Waxa aan Ilaahay ugu baryeynaa in uu u naxariisto, sabir iyo Iiimaanna ka siiyo qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”, Mr. Canshuur ayaa Sidaa Alle uga beryey.

Marxuum Aways Xuseen Xasan( Aways Shiino) waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1955-tii, waxa uu waxbarashadiisa dugsiga hoose, iyo sare ku qaatay Xamar, waxa uuna jaamacadiisa ku soo qaatay Syria halka dalalka kale sida Lubnaan uu aqoon korosi u tagay, sida Wakaaladda SONNA ogaatay.

SONNA ayaa sheegtay in Marxuumka uu ahaa saxafi, qoraa iyo mutarjam luuqada Carabiga wax ku turjamayey, waxa uuna wax ku qori jiray Wargayskii Xidig October ee dalkeena beri-samaadkii ka soo bixi jiray.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...