Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Date:

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyay shir amni oo lagu falanqeeyay xoojinta amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Amniga iyo saraakiisha ciidamada kala duwan, ayaa lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan xaaladda amniga iyo qorshayaasha lagu adkeynayo nabadgelyada.

Shirka ayaa lagu gaaray go’aanno ay ka mid yihiin in askari aan xirneyn dareeska ciidanka uusan qori ku dhex wadan karin magaalada, in gaadiidka dagaalka aan lagu dhex wadi karin magaalada haddii aysan ku jirin howlgal rasmi ah, iyo in la bilaabo howlgallo qorsheysan oo lagu furayo waddooyinka degmooyinka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo bulshada, isagoo faray laamaha amniga inay sii xoojiyaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada maamulka. Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in la kordhiyo howlgalada amniga iyo iskaashiga shacabka si looga hortago falalka amniga

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...