Dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa sidii looga cafin lahaa daymaha uu caalamka ku leeyahay dalkeenna, si hadafkaasi loo gaaro Xukuumadda waxay dhowr mar oo hore ku celcelisay in waqti badan la geliyay sidii daymaha Soomaaliya lagu leeyahay looga cafin lahaa,Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay qorshihii yoolkaasi lagu gaari lahaa,waxaana la gaaray guulo la taaban karo bilihii ugu danbeeyay.
Raโiisul-wasaaraha XFS oo hadda ku sugan dalka Maraykanka ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Bankiga Aduunka, Hayโadda lacagta aduunka iyo dowladaha kale ee ka qaybgalay shirka sanadlaha ah ee IMFta iyo Bankiga Aduunka oo lagu qabtayย magaalada Washington ee Caasimadda dalka maraykanka.
Deyn cafinta.
Dowladda Soomaaliya, waxaa ka goโan gaaridda barta go,aanka dayn cafinta, waxayna u gudubtay SMP4, iyadoona beesha caalamku ku amaantay dadaallada hagar laโaaneed ee arimaha dayn cafinta,taasi oo fure uย ah horumarka dalka, geedi-socodka dayn cafinta waa guul, waxaana ka faaโiideysan doona dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaa, waxayna fursado ka helayaan Maalgashiga ilaha dhaqaale oo ballaaran oo laga helayo Hayโadaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah (IFIS).
Shirkii iskaashiga 2 oktober oo lagu amaanay Hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya.
Shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka ee dhawaan lagu qabtay Muqdisho, Wuxuu soo dhaweeyay iskaashiga,Soomaaliya ee barnaamijkeeda dayn cafinta iyo horumarka la taaban karo ee ka muuqdo dhinacaย dib-u-habaynta maamulka maaliyadda dowladda ee dalka oo dhan.
Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu bogaadiyay dadaallada dib u habaynta Soomaaliya oo dhan, looga hirgalinayo hab maaliyadeed dhaxal-ga ah, taas oo gogol xaar u noqonaysa kobac iyo horumar loo wada dhanyahay albaabadana u fureysa ilo dhaqaale oo wax looga qabto sababaha keena faqriga iyo u nuglaanta saboolnimada.
Shirka sanadlaha ah iyo wajiga Smp4.
Kulankaan oo sanadkaan lagu qabtay magaalada Washington ee dalka Maraykankaย waxaa ka soo ifbaxay yididiillo farxadeed oo muujinaysa in shacbiga Soomaaliyeed dhawaan guran doon miraha ka dhasha dadaalkii dowladda Soomaaliya u gashay in Soomaaliya laga cafiyo daymaha, si loo gaaro barnaamijyo ballaaran oo horumarineed oo dalka ka taabba gala.
Hayโadda Lacagta Adduunka iyo Bangiga adduunka ayaa sidoo kale si diirran u soo dhaweeyay sidaย dowladda Soomaaliya ay uga goโan tahay fulinta dib u habaynta shuruudihii loo qaabeeyay dayn cafinta.
Dib u habaynta maamulka maaliyadda dalka, waxa cabirkeedu ahaa gaarista hadafyada wajiga Afaraad ee la xaqiijiyay, haddana waxaa socda dadaallo loogu gogol xaarayo ka guul gaaridda qaybta Afaraad.
Dhanka kale Agaasimaha maamulka hayโadda lacagta aduunka IMF Mrs Kristalina Georgieva oo Washington kulan doceed kula qaadatay Raโiisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre magaalada Washigton ayaa Ku dhawaaqday in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horaanta 2020, โWaxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF raโiisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badanโayay tiri Kristalina.
Raโiisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu ka qeyb-galay Shirka IMF Iyo Bangiga Adduunka, isaga oo sidoo kale kulmmo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb-gashay shirkaas.
Hannaanka maamulka maaliyadda dalka, wuxuu cagta saaray waddadii saxda ahayd, tusaale ahaan uruurinta dakhliga billowgii Sanadkan illaa July 2019, waxaa uu ka sara maray intii la filayay.
Hayโadda IMF waxay soo dhowaysay nidaamka mushaar bixinta dowladda iyo lacagaha taleefoonada gacanta la isugu diro,kaasoo muhiim u ah barnaajika dayn cafinta iyo degganaashaha dhaqaalaha dalka.
W/D. Gobdoon
