Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo ku Geeriyooday Magaalada Doha.

Date:

Alle Ha u naxariistee waxaa Magaaladda Doha ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyahii Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii Argagixisinimmo ee ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta Qaranka u Xaqiijisay Geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud ayaa Ehelada & Shacabka Soomaaliyeed uga Tacsiyadeeyey Geerida Guddoomiyahii gobolka Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  tacsi u Diray Dhammaan ummada soomaaliyeed Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana  Duqii Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow”

“Aniga oo ku hadlaya magaca Garsoorka JFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, Shacabka ku nool Caasimada Magaalada  Muqdisho iyo Gobolka Banaadir & iyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo kaga  tacsiyeynayo Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho oo ku Geeriyooday Dalka Qatar” ayuu Yiri Garyaqaan Baashe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa dhankiiisa sidoo kale  Ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Duqii Caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...