Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo ku Geeriyooday Magaalada Doha.

Date:

Alle Ha u naxariistee waxaa Magaaladda Doha ee dalka Qatar ku geeriyooday Guddoomiyahii Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow, kadib markii uu ku dhaawacmay Weerarkii Argagixisinimmo ee ka dhacay Xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Warbaahinta Qaranka u Xaqiijisay Geerida Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Maxamed Mursal ayaa iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyaggoo Marxuumka EBBE uga baryey in Naxatiisa jano uu ka waraabiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb ee Gobolka Gal-gaduud ayaa Ehelada & Shacabka Soomaaliyeed uga Tacsiyadeeyey Geerida Guddoomiyahii gobolka Banaadir Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa  tacsi u Diray Dhammaan ummada soomaaliyeed Geerida ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Ahaana  Duqii Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng Yariisow”

“Aniga oo ku hadlaya magaca Garsoorka JFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, asxaabta, Shacabka ku nool Caasimada Magaalada  Muqdisho iyo Gobolka Banaadir & iyo Dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo kaga  tacsiyeynayo Geerida Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho oo ku Geeriyooday Dalka Qatar” ayuu Yiri Garyaqaan Baashe.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi xayir (Maareeye) ayaa dhankiiisa sidoo kale  Ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Guddoomiyihii Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Naxdin leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Yariisow.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa Qoyskii, Qaraabadii, iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee Duqii Caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra”iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari

Ra”iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr: Aadan Cabdillaahi Aw Xasan oo loo doortay guddoomiyaha Golaha Wakiilada D/g waqooyi Bari

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...